Madaxweyne Silaanyo oo tobabar u soo xidhay Cutubyo ka tirsan Ciidammada Xeebaha

Berbera(Aftahannews):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa Markab kuwa Ciidammada Badda ee dawladda Ingiriiska ah oo taagnaa duleedka Dekedda Berbera tabobbar ugu soo xidhay Ciidammo ka tirsan ilaalada Xeebaha Somaliland oo Ciidanka Badda Britain muddooyinkan dambe tabobbaro siinayeen.
Madaxweyne Siilaanyo iyo Wefti uu hoggaaminayo oo hawshaa u socda, ayaa maanta gelinkii hore gaadhay magaalada Berbera, ka dib markii ay isla saaka ka ambabaxeen Caasimadda Hargeysa. Madaxweynaha oo Masuuliyiinta socdaalkan ku weheliyey uu ka mid ahaa Safiirka Ingiriiska u qaabbilsan arrimaha Soomaaliya oo fadhigiisu yahay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland iyo Masuuliyiin kale.
Waxay Madaxweynaha iyo Masuuliyiinta la socday ka qayb-galeen maanta Munaasibadda tabobbarada loogu soo xidhay Ciidammada ilaalada Xeebaha Somaliland oo ay siinayeen Ciidammada dawladda Ingiriiska ee loo yaqaanno, Royal Marines-ka.
Madaxwaynaha oo diyaarad khaas ahi geysay Berbera, ayaa waxa duleedka dekedda Berbera waxa uu sallaan kaga qaatey ciidamada ilaalada xeebaha Somaliland ee tababarrada loo soo gabogabeeyay, waxaanu markaasi ka dib Madaxwaynaha iyo weftigii la socday ay fuuleen markab taagan xeebta Berbera, kaasi oo ay wataan saraakiisha bixiyey tababarrada ciidamada badda Somaliland.
“Madaxweyne, waxaanu ku faraxsanahay inaad nagala soo qayb-gasho xafladda xidhitaanka tababarrada Sanadlaha ah ee ciidamada ilaalada xeebaha Somaliland, ee ay ciidamadeena siiyaan ciidamada Ingiriiska ee Royal Marines-ka, kuwaasi oo saaran Markab, waana sanadkii saddexaad ee ay tababarro na siiyaan ciidamada Ingiriisku, waana tababaro adiga (Madaxwaynaha) kula kowsaday oo aan kaa horeynin.” Sidaa waxa yidhi Taliyaha Ciidammada ilaalada Xeebaha Somaliland Admiral Axmed Aw Cismaan oo Ciidankiisu Madaxweynaha Salaan-Sharaf siiyeen.
Halkan ka Daawo Muuqaalka Munaasibaddaasi sida ay u dhacday iyo Madaxweyne Siilaanyo oo saaran Markabka Ciidanka Badda ee Britain.