Cabdiraxmaan Cirro oo sheegay inanay ku qanacsanayn sababta Madaxweynuhu dib ugu soo celiyey Dr. Maxamed Cismaan Fadal

Hargeysa-(Berberanews)- Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa soo bandhigay garnaqsi jawaab u ah tallaabadii Madaxweyne Siilaanyo dib ugu celiyey xubintii xisbigiisu u xulay Komishanka Doorashooyinka cusub toddobaadkan.

WADDANI 225x300

Guddoomiye Cirro oo shir jaraa’id ku qabtay Hargeysa maanta, waxa uu sheegay in aannu xisbigiisu ku qanacsanayn sababta Madaxweynuhu dib ugu soo celiyey Dr. Maxamed Cismaan Fadal oo uu ku dooday inuu buuxiyey shuruudaha xubinimada ka mid noqoshada Guddiga Doorashooyinka Qaranka,  balse ujeeddo gaar ah darteed loo bartilmaameedsaday xubintooda.

Waxa kale oo uu shaaciyey in Madaxweyne Siilaanyo sifo sharci-darro ah kaga dalbaday xisbiyada iyo Guurtida soo magacaabista xubnaha Komishanka Doorashooyinka, waxaannu yidhi, “24-kii bishii August, waxa xisbiga WADDANI soo gaadhay warqad Madaxweynuhu kaga dalbanayo inuu xisbigu 7 Casho gudahood ku soo magacaabo laba xubnood oo Madaxtooyadu kala doorato, iyadoo ay xeerka si cad ugu qeexantahay in xisbigu hal xubin soo magacaabayo, isla warqadaas Madaxweynuhu waxa uu kaga dalbaday xisbiga UCID soo magacaabo laba xubnood, Golaha Guurtiduna uu soo magacaabo afar xubnood, balse xeerku wuxuu qorayaa in UCID soo magacaabo hal xubin, Guurtiduna laba xubnood.

Markaa su’aashu waxay tahay ma xeerka ayaa sax ah mise wareegtada Madaxwweynaha ayaa sax ah? Jawaabtu waxa weeye, waxa sax ah xeerka oo dhigaya in xisbiga laga rabo hal xubin ee aan laga rabin laba xubnood.”

Sidaa darteed, Guddoomiye Cirro waxa uu sheegay isagoo raacaya xeerka inuu 30-kii bishii August uu xubintii xisbigiisu xaqa u lahaa u magacaabay Dr. Maxamed Cismaan Fadal oo uu tilmaamay inuu buuxiyey shuruudaha sharcigu dhigayo inuu yeesho qofka ka mid noqonaya Komishanka Doorashooyinka, “Taariikhda warqadda Madaxweynuhu ku dalbanayey soo xulista komishanka iyo taariikhda xisbigu magacaabay labadaba Dr. Fadal kamuu mid ahayn xisbiga WADDANI ee wuxuu ahaa muwaadin reer Somaliland ah oo sifo shakhsi ah iskaga casilay xisbiga,” ayuu yidhi Md. Cirro.

Haseyeeshee, xisbi ahaan aanay ku qancin asbaabta Madaxweyne Siilaanyo u cuskaday dib soo celintiisa, waxaannu yidhi, “Xisbiga WADDANI kuma qanacsana sababta madaxweyuhu u cuskaday soo celinta Dr. Fadal, hase ahaatee, xisbigu waxa uu u hoggaansanyahay dastuurka iyo shuruucda dalka, waxaannu qaadi doonaa tallaabo waafaqsan dastuurka.”

Guddoomiyuhu waxa uu ku eedeeyey Madaxtooyada inay sifo ka baxsan nidaamka dawladnimada u mareen dib soo celinta xubinta xisbigiisu magacaabay oo ku qaadatay muddo ka badan, “Waxa layaabku yahay oo nidaam kasta oo dawladeedna khilaafsan warqadda madaxweynuhu ku soo celiyey Dr. Fadal oo ku socotay oo keliya xisbiga WADDANI in laga arkay uun warbaahinta iyadoo aan xisbiga soo gaadhin oo weliba Dhuxul (Afhayeenka Madaxtooyada) ku soo saaray war-saxaafadeed sidii nin dawladda u shaqeeya oo xilkii laga qaaday.”

Dhinaca kale, waxa uu soo dhaweeyey xubnaha kale loo xulay Komishanka Doorashooyinka, isagoo Madaxweyne Siilaanyo u diray farriin uu ugu soo jeediyey inuu caddaalad sameeyo, waxaannu yidhi, “Madaxwaynaha Somaliland waxa laga filayaa inuu shacabka si caddaalad ah ugu xaqsooro, qodobka aad xubinta u adeegsatayna inaad xubnaha kale u adeegsato ama si gaar ah xubin aad u takoorto waa laga qurux badan yahay, waxa loo baahan yahay in xubinta la diidayo sifo sharci ah loo diido.”

“Xisbiga WADDANI waxa uu soo dhawaynayaa dhammaan xubnaha loo doortay Komishanka doorashooyinka Qaranka, annagoo kalsooni siinayna waxa laga filayaa dhammaantood inay xisbiyada qaranka ugu xaqsooraan caddaalad,” ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cirro.

Ugu dambayntii, waxa uu sheegay in Somaliland ku badbaadi karto doorasho xor ah oo ka qabsoonta, “Somaliland waxay maraysaa meel xaasaasi ah, waxaannan isleeyahay waxay ku badbaadi kartaa inay doorasho xor oo xalaal ahi ka dhacdo, haddii ay ka dhiciwaydo waxa laga yaabaa inay dhibaatooyin la soo darsaan,” ayuu hadalkiisa ku soo ururiyey Guddoomiyaha xisbiga WADDANI, ahna horjoogaha Golaha Wakiillada Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro).