Qarax ku dhawaad boqol qof ku dhintay oo ka dhacay caasimadda Yemen

Sanca(Berberanews):- Ugu yaraan 67 Ruux, ayaa ku dhintay, in 75 qof ka badanina way ku dhaawacmeen, ka dib markii qof isku-soo xidhay waxyaabaha Qarxa uu ku qarxay Bar Ciidan ilaalo ahi joogeen oo ku taalla Fagaaraha Taxriir ee badhtamaha Caasimadda Yemen ee Sanca, halkaas oo ay ilaaliyaan Malleeshiyaadka loo yaqaanno Xuutiyiinta ee dalkaas ka dagaallama.

Caasimadda Yemen ayaa markaa ka dib galay xaalad qalalaase siyaasadeed ah oo sababtay in Raysal-wasaaraha toddobaadkan la magacaabay lagaga soo horjeedo, isla markaana uu iska casilo xilkaas, ka dib markii ay Kooxaha Kacdoonka wadaa u hanjabeen.

Telefeshinka Xuutiyiinta Yemen, ayaa sheegay in weerarka uu yimi wax yar ka hor intii aanay Taageerayaashoodu ku qaban dibad-bax halkaas. Tallaabadan ayaa ku soo beegantay rabshado siyaasadeed oo ay kiciyeen markii ay Xuutiyiinta qabsadeen qeybo badan oo ka mid ah magaalada Sanca.dhiig

Mucaaradka ayaa diiday Axmad Cawad Bin Mubaarak oo uu Madaxweyne Cabdurubux Mansuur u magacaabay ra’iisul wasaare kaasi oo haatan lagala noqday jagadaasi. Waxaana isla magaaladaas la sheegay in Qarax kale oo khasaare dhimasho iyo dhaawac leh geystay uu isna isla maanta ka dhacay.

Qaraxyadan ayaa qayb ka ah qalalaase siyaasadeed oo wadankaasi ka taagan ka dib markii meelo badan ay qabsadeen Qabiilka Xuutiyiinta ah.Telefishanka Xuutiyiinta ayaa sheegay in Qaraxa ka dhacay Fagaaraha Taxriir ee Sanca uu dhacay wax yar ka hor wakhti taageerayaashoodu halkaasi ku qaban lahaayeen isku soo bax.

Qaraxyadan ayaa imanaya maalin ka dib markii madaxweyne Cabdurubux Mansuur uu uAxmad Cawad Bin Mubaarak u Magacaabay Ra’isal wasaaraha Yemen balse uu diiday inuu noqdo Ra’isal wasaaraha Yemen, isagoo ku sababeeyay Xuutiyiinta oo diiday kuna balan qaaday mudaharaado balaadhan inay kala hor imanayan.

Weli ma jirto Cid Masuuliyadda Qaraxyadaaas inay ka dambeeyeen sheegatay, hase-yeeshee, waxay wararka la helayaa tibaaxayaan in Kooxo xidhiidh la leh Al-Qaacida la beegsanayeen Xuutiyiinta Shiicada ah weerarradaas ismiidaaminta ah.

Dalka Yemen, ayaa wakhtigan ku jira xaalad siyaasadeed oo kacsan oo salka ku haysa awood-kala-jiidasho Qabali ama Qabiillada dalkaas wada dega u dhexeeya iyo sidoo kale Kacdoonno diimeed iyo kuwo siyaasadeed oo is-biirsaday oo midiba midka kale lid ku yahay.