Safiirka Midowga Yurub oo xukuumadda iyo xisbiyada mucaaridka ah kala hadlay arrimaha doorashooyinka

Hargeysa (Jam/Berberanews)- Safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Ambassador Michele Cervone d’Urso oo kulan qasriga Madaxtooyada kula yeeshay Madaxweyne Siilaanyo shalay, ayaa sheegay inay madaxweynaha isla qaateen in doorashadu ku qabsoonto waqtiga loo qoondeeyey ee 2015-ka.

wakiilka EU iyo Silanyo

Ambassador Michele oo maalmihii u dambeeyey kulano kala duwan la lahaa ururrada rayidka, warbaahinta, axsaabta siyaasadda iyo Komishanka Doorashada ee cusub, waxa uu sheegay in Somaliland ay muhiim u tahay in doorashada Madaxtooyada iyo Golaha Wakiilladu waqtigeeda ku qabsoonto.

“Waxaannu diiradda saarnay oo ka hadalnay nidaamka dimoqraadiyadda. Aad ayaannu ugu faraxsanahay in Somaliland joogno, waxaanuna ka hadalnay in doorashadu dhacdo sannadka 2015, toddobaadyada soo socdana la isla meel dhigo. Waxaannu  kulamo aad muhiim ah oo aannu la yeelanay Madaxweyne Silaanyo, axsaabta mucaaridka, xubnaha warbaahinta, bulshada rayidka iyo Guddida Doorashooyinka dhammaantood noo xaqiijiyeen in ay rajaynayaan in Somaliland doorashooyinkeeda baarlamaanka iyo madaxtooyada qabsoonto 2015-ka.

Waxa aan sidoo kale kulan la yeeshay safiirka Ingiriiska iyo bulshada caalamka oo aannu ka wadahadalnay in la taageero siyaasad iyo dhaqaale ahaanba nidaamka. Somaliland waxa rikoodh fiican uga yaal nidaamka dimoqraadiyadda, taasoo ah tusaale la raaco, siina socon doona,” ayuu yidhi Safiirka Michele.

Safiirka Midowga Yurub ee Somaliland iyo Soomaaliya waxa uu soo dhaweeeyey magacaabista xubnaha Komishanka cusub ee Madaxweynuhu u gudbiyey Golaha Wakiillada, “Waxa aannu soo dhawaynaynaa magacaabista Guddida Doorashooyinka iyo in baarlamaanku ansixiyo xeerka codbixiyayaasha, waxaanay sida ugu dhaqsaha badan bilaabi doonaan diiwaangelinta codbixiyaha si ay farsamo ahaan u awoodaan in doorashadu dhacdo 2015ka, waana inay arrintan taageeraan dhinacyada ay khusayso, dawladda, Golaha Wakiillada, Guurtida, asxaabta iyo dadka oo aan helin fursad tan ka ballaadhan oo ay ku codayn karaan oo aan muddo 10 sanno ah baarlamaan dooran, waana waqtigii dadka loo oggolaan lahaa inay dookhooda wax ku doortaan.Waxa kaloo aannu fursad u helnay in aanu ka wadahadalno iskaashiga sidii Somaliland aannu iskaashi ula yeelan lahayn, lagana caawin lahaa in ay helaan waxyaabaha loogu talogalay (Special Arrangement).”

d'Urso iyo Biixi

Wasiir Khaarajiga Somaliland Md. Maxamed Biixi Yoonis, ayaa sheegay in safiirka ay ka wadahadleen arrimaha doorashooyinka iyo cilaqaadka ka dhaxeeya Somaliland iyo Midowga Yurub sidii  loo kordhin lahaa, waxaannu yidhi; “Waxa halkan nala jooga safiirka Midowga Yurub oo la kulmay dad fara badan, imminka Madaxweynaha la kulmay kala hadlay arrimo fara badan oo  ah cilaaqaadka ka dhaxeeya EU iyo Somaliland. Waxyaabaha ugu waaweyn ee aannu ka hadalnay waxa ka mid ah doorashooyinka iyo xilliga ay dhacayaan iyo dadka cusub ee loo magacaabay Komishanka, khaasatan in dumar ku jiraan iyowaxyaabo kale oo ku lug leh mashaariicda Midowga Yurub ka shaqeeyo.

Madaxweynaha, anniga iyo Safiirku waxaannu ka wadahadalnay oo aannu u sheegnay in doorashooyinka waqtigoodu dhacayaan, dedaal xoog lehna aannu samaynaynno, waxaannu shalay (Salaasadii) la kulmay axsaabta, bulshada rayidka ah, warbaahinta.  Intaba waxaannu isla garanay in aannu dedaal xoog leh wadno oo doorashadu waqtigeeda qaban doonto.”

“Waxaannu safiirka kala hadalnay oo kale in la taageero saxaafadda xagga awood-dhisidda si warbaahintu u horumarto, taasina waxay fursad fiican u tahay in tababaro la siiyo si saxaafaddu warar sax ah u soo tebiso, halkana la iman doonaan suxufiyiin caalami ah oo tababarradaas bixiya,” ayuu yidhi Wasiir Biixi Wasiir oo tilmaamay inay safiirka kala hadleen in ay warbaahinta Somaliland ka caawiyaan dhinaca aqoonta.