Bandhig-fanneed ay wada daadihinayaan Fannaaniin Somali iyo Talyaani ah

Muqdisho(Aftahannews):- Bandhig-Faneed aad loola dhacay oo ay Heeso, Suugaan iyo Ciyaaro kala duwan ku soo Muqdisho(Berberanews):- Bandhig-Faneed aad loola dhacay oo ay Heeso, Suugaan iyo Ciyaaro kala duwan ku soobandhigeen Fannaaniin Talyaani ah iyo Kuwo Soomaali ah, ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya.
FANNAANIINTA TALYAANIGA AH EE MUQDISHO BANDHIG-FANEEDKA KU QABTAY FANNAANIINTA BANDIDHIG-FANEEDKA FANNAANIINTA SOMALIA IYO ITALY BANDIHG-FANEED FANNAANIINTA SOOMAALIYA IYO KUWA TALYAANIGA FANNAANIIN TALYAANI AH OO MUQDISHO BANDHIG-FANEED KU QABTAY FANNAAN BANDHIGGA MUQDISHO EE TALYAANIGA IYO SOOMAALIDA FANNAANIINTA AH BANDHIG-FANEED.
bandhig5
bandhig1
bandhig2
bandhig4
Bandhig-Faneedkan ay Fannaaniinta Soomaalida iyo Talyaaniga ahi wada dhigeen, ayaa ujeeddadiisu ahayd in lagu Maamuuso, isla markaana kor loogu qaado Xidhiidhka ka dhexeeya dawladaha Soomaaliya iyo Italy iyo sidoo kale is-dhex-galka iyo xidhiidhka ka dhexeeya Bulshooyinka Talyaaniga iyo Soomaalida ah.
Dawladda Talyaaniga ayaa in ka badan siddeetan sannadood gumaysanaysay dalka Koonfurta Soomaaliya, iyadoo Soomaaliya xornimada iyo madax-bannaanideeda Talyaaniga ka qaadatay 1-dii Luulyo sannadkii 1960-kii oo Muqdisho laga taagay Calankii ugu horreeyey ee ay laba dal oo Talyaaniga iyo Ingiriisku kala gumaysan jiray oo Soomaali ah oo kala ahaa Muqdisho iyo Hargeysa laga taagay Caasimadda Muqdisho, iyadoo ay isla 1-dii Luulyo midoobeen Soomaalida Talyaaniga Calankooda ka qaatay iyo Soomaalida Ingiriiska xornimada ka qaatay shan cisho ka hor maalintan kawda Luulyo, iyagoo helay 26-kii June sannadkii 1960-kii.
Waxaa Munaasibadda Bandhig-Faneedkan cajiibka ah ee lagu qabtay Caasimadda Muqdisho Shalay Fiidkii ka qaybgalay Wasiiru-dawlaha arrimaha dibedda iyo dhiirrigelinta is-dhex-galka Bulshada ee Federaalka Soomaaliya Burci Maxamed Xamse, Ergayga Qaramada Midoobay u qaabbilsan arrimaha Soomaaliya Nicholas Kay, Safiirka dawladda Talyaaniga u fadhiya Caasimadda Muqdisho ee dalka Soomaaliya, Saraakiil kala socday Hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa Qaramada Midoobay ee Muqdisho ku sugan.
Waxa kale oo Munaasibaddaa Bandhig-Faneedka ka qaybgalay Saraakiil ka kala socday Hay’adaha iyo Ururrada Waddaniga ah, Masuuliyiinta gobolka Banaadir, Caasimadda Muqdisho, Madax kala duwan oo Laamaha dawladda Federaalka Soomaaliya ka tirsan, Fannaaniinta kala duwan iyo in badan oo ka tirsan Dadweynaha reer Muqdisho.
Bandhig faneedkan oo sidoo kale ay qeyb ka ahaayeen Ciyaaraha Hiddaha iyo Dhaqanka Soomaalida, ayaa waxa dhinaca Fannaaniinta Qaranka Soomaaliya ka muuqday Shimaali Axmed Shimaali iyo Nimco Xasan, halka Fannaanadda Caanka ah ee u dhalatay Waddanka Talyaaniga Monica Cerri ay ku soo Bandhigtay Xafladdaas Heeso kala duwan oo Luuqadda Talyaaniga ay ku qaadayso oo lagu ammaanayo dalka Soomaaliya iyo kuwo kale-ba.
Waxaa Bandhig-faneedkan soo qaban-qaabisay Haweenayda Madaxda ka ah Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabbilsan arrimaha Qaxoontiga ee UNHCR ee dalka Soomaaliya, Gabadhaas oo u dhalatay dalka Talyaaniga, taasoo Fannaanaddan Talyaaniga ah ka soo kaxaysay magaalada Milano ee waddanka Talyaaniga.
“Waxaannu u debbaal-degaynaa xidhiidhka saaxiibtinnimada leh ee dhabta ah ee ka dhexeeya Shacabka Talyaaniga ah iyo Shacabka Soomaalida ah, waxaannu u debbaal-degnay Midnimada labada Bulsho ee Soomaaliya iyo Italy. Waxaannu Bandhig-Faneedkan kooban u doorannay Muusiga iyo Fanka loo maro, waayo? Muusiga ayaa ah ka ugu dhaw ee dareenka u dambeeya ee qofka soo jiidan kara.” Sidaa ayey tidhi Madaxa Hay’adda UNHCR ee Soomaaliya Mr’s Alexander. Waxaanay Haweenaydani u mahad-celisay Fannaanadda reer Italy iyo kuwa Soomaaliya ee Bandhiggan wada sameeyey.
Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Danjire Nicholas Kay oo Xaflad-Faneedkan hadal ka jeediyey, ayaa sheegay in Muqdisho ay ku jirto maalmihii degganaanshaha, isla markaana uu ku faraxsan yahay inuu arko Munaasibaddan oo uu sheegay inay tahay tii ugu horreysay ee nooceeda ah ee uu Soomaaliga kaga qaybgalo.
Nicholas Kay oo arrimahaas ka hadlayaa yiri; “Muddo sannad ah oo aan ka howlgalayey Soomaaliya, waa ii farxad inaan arko Xaflad-Faneed ay ka muuqato Fannaannada Talyaaniga ah ee Monica Cerri, waxay tani bilow u tahay wanaagga cusub iyo mustaqbalka degganaanshaha Soomaaliya.”
Sidoo kale, Safiirka dawladda Talyaaniga u fadhiya Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho Ambassador Fabrizio Marcelli, ayaa isaguna ka hadlay Munaasibaddaas Bandhig-faneedka ahayd ee Muqdisho lagu qabtay, waxaanu sheegay in dawladda Talyaanigu ay xoojineyso xidhiidhka iyo iskaashiga dhinacyada badan leh ee ka dhaxeeya Soomaaliya, isagoo tilmaamay in Soomaaliya ay ka soo kabaneyso dhibaatooyinka colaadaha sokeeye iyo falalka argaggixisannimo ee u geysteen hannaanka dawladnimada iyo degganaanshaha dalka iyo dadka kuwa cadawga u adeegayaa.
Gaba-gabadii Munaasibadda loo sameeyey Bandhig-Faneedka Fannaaniinta Soomaalida iyo Talyaaniga ah, waxa ka hadlay Wasiiru-dawlaha Wasaaradda arrimaha dibedda iyo dhiirrigelinta Maalgashiga ee Soomaaliya Buri Maxamed Xamse, waxaanu sheegay isu-imaatinkan Fannaaniinta Talyaaniga iyo Soomaalida ahi inuu muujinayo heerka nabadgelyada wakhtigan ka jirta Soomaaliya, gaar ahaan Caasimadda Muqdisho.
Sidoo kale, Wasiiru-dawlaha arrimaha dibedda Soomaaliya, waxa uu sheegay in Bandhig-Faneedkan cajiibka ahi uu muujinayo heerka iyo higsiga himilooyinka guusha leh ee Caasimadda dalka Soomaaliya ee Muqdisho ay naawileyso ama rejaynayso, isagoo tilmaamay in Muqdisho ay dib u gocaneyso soo ceshiga Maalmaheedii Xusuusta lahaa ee nabadda buuxda iyo is-dhexgalka Bulshadu sida deggan ee fiican uga jiray .
Warbixintan oo Dhammaystiran, isla markaana Muuqaal ah ka Daawo halkan hoose oo aannu idiinku soo gudbinayno Muuqaalka Bandhig-Faneedkaas, sidii uu u dhacay ee la isu dhex-galay iyo hadallada laga jeediyey-ba.