Madaxweyne Silaanyo oo Golaha Wakiillada u gudbiyay xubintii Xisbiga WADANI u xulay Komishanka

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Silaanyo
waxa digreeto madaxweyne oo sumadeedu tahay JSL/M/SHGW/081-2818/102014 ,
Shir-guddoonka Golaha Wakiillada Jamhuuriyada Somaliland ugu gudbiyey Xubintii todobaad ee Xisbiga Waddani soo bedelay.
Ku: Shir-guddoonka Golaha Wakiillada JSL
Ujeedo: Soo Gudbin Xubintii Ka Dhinnayd Guddida Cusub ee Doorashooyinka Qaranka
Mudanayaal,
Waxaan si sharaf iyo qadarin mudan halkan magaciisa iyo CV-giisa idiinku soo gudbinayaa Mudane, Cabdiraxmaan Cismaan Aadan (Sagal) oo ah Xubinta Xisbiga WADDANI u soo xulay Guddida Doorashooyinka Qaranka si aad uga gudataan waajibaadkiinna Dastuuriga ah.
ALLAA MAHAD LEH
Naasir Yuusuf Daahir (Nasir Naska)
Xoghayaha Gaarka ah ee Xafiiska Saxaafada Madaxtooyada JSL.