Dawladda Ingiriiska oo sir Qaran ku sifaysay hawlgalaha la-dagaallanka argagixisada Somaliland

London-(Berberanews)-Dawladda Ingiriiska, ayaa shaacisay inay hawlaha la-dagaalanka argagixiso ee ay ku fuliyaan gudaha Somaliland yihiin sir qaran oo aan u baahnayn in faahfaahin laga bixiyo.
Xafiiska Arimaha Dibadda iyo Barwaaqo-sooranka dalka UK, qaybtiisa qaabilsan Somaliland, ayaa jawaabo ka bixiyey su’aalo kala duwan oo ay weydiiyeen suxufiyiinta shabakada wararka ee Medeshi online news, su’aalahaas oo ay ka mid yihiin taageerada dawladda Ingiiisku dhinaca la-dagaalanka argagixisada ka siiyaan Somaliland.
Su’aalaha dawladda Ingiriiska la weydiiyey oo qaybtoodii hore wargeyska Jamhuuriya baahiyey toddobaadkii hore, waxa caddadka wargeyska ee maanta aannu ku soo qaadanay qaybtii labaad ee su’aalahaas iyo jawaabahooda oo ku qornaa luuqada Ingiriiska, laguna turjumay afsoomaali, kuwaasoo u dhacay sidan;
Medeshi: Qaab noocee ah ayaad Somaliland uga caawisaan maxkamadaynta iyo La-dagaalanka budhcad-badeeda?
UK: Dawladda UK waxay taageero siisaa hay’adda Qarammada Midoobay u qaabilsan la-dagaalanka dambiyada iyo darooga, qaybteeda ka hortaga budhcad-badeeda (UNODC CPP), iyadoo mashruucada La-dagaalanka budhcad-badeedu xoogga saaro sidii si caddaalad ah loogu maxkamadayn lahaa, xabsiyadana loo gayn lahaa Gobolka oo dhan, iyadoo la doonayo in hawshaas uga fusho si caddaalad ah Soomaaliya. Bishii April ee sannadkii, waxa la dhamays tiray xabsiga weyn ee Hargeysa ee Somaliland, kaasoo si rasmi ah loo furay, iyadoo ay maalgelisay hay’adda UNODC oo taageero ka hesha Ingiriiska, taasina waxay fududaysay in sare loo qaado tayada iyo xaaladaha xabsiga Hargeysa oo heer caalami ah, waxa kaloo dawladda Ingiriisku maalgelisay qallabaynta qolalka maxaabiista iyo goobaha loogu tallogalay shaqaalaha iyo hawlwadeennada xabsiga Hargeysa, Waxa kaloo Hay’adda UNODC oo Ingiriiska taageero ka heshay ay dhistay xarunta Wasaaradda Caddaallada Somaliland si loo dammaanad qaado in la sugo caddaallada maxaabiista la xidho ee budhcad-badeeda ah.
Waxa kaloo la sameeyey siminaaro la xidhiidha wacigelinta budhcad-badeeda oo Hargeysa lagu qabtay bishii July ee sannadkii 2012, sidoo kale taageerada dhaqaale ee dawladda Ingiriiska waxa looga faa’iidaystay dhismaha xafiis laga dhisay Hargeysa oo loogu tallogalay ka hortaga budhcad-badeeda ee Somalilanda iyo Puntland.
Medeshi: Taageero noocee ah ayaad Somaliland ka siisaan hawlaha la-dagaalanka argagixisada iyo maxkamadayntoodba?
UK: Hawshaasi waa sir qaran oo aan u baahnayn in la faahfaahiyo, sharciga ayaana noo diidaya in aan wax sharraxaad ah ka bixino si loo ilaaliyo aaminaada iyo kalsoonida saaxiibadayada adduunka. Markaa hawlaha la-dagaalanka argagixisada ee aanu ka wado gudaha Somaliland waa sir qaran oo aan u baahnayn in la faafiyo ama daboolka laga qaado.
Medeshi: Dawladda Ingiriisku ma qorshaynaysaa inay taageero millatari oo toos ah siiso Somaliland si ay uga hortagaan in aannay colaadaha Soomaaliya ka socdaa ku soo fidin gudaha Somaliland?
UK: Maya.
Medeshi: Dawladda Ingiriisku taageero noocee ah ayey siisaa Somaliland si wax loogu qabto dadka qaxoontiga ah ee ka soo cararay dhibaatooyinka Soomaaliya? Waa maxayse mawqifka sharci ee Ingiriisku ka qabo dadka Soomaaliya ka soo qaxay ee ku nool gudaha Somaliland?
UK: Xafiiska dawladda Ingiriiska u qaabilsan horumarinta caalamiga ah ee DFID waxay ku bixisay sannadkan lacag dhan 9 milyan oo shillinka Ingiriiska ah (pound) taasi la gaadhsiiyey sanduuqa gargaarka guud ee CHF, kaasoo caawiya dadka baro-kacayaasha ah (IDPs) ee guud ahaan Soomaaliya oo ay ku jirto Somaliland, iyadoo taageeradaasna la gaadhsiiyo meel kasta oo baahi ka jirto oo Soomaaliya ah. Dawladda Ingiriisku dadkaas ma kala saarto, waxaannu se ku dhaqanaa heerarka ay go’aamisay Hay’adda Qarammada Midoobay u qaabilsan qaxoontiga ee UNHCR, marka loo eego axdiga qaxoontiga ee la dejiyey sannadkii 1951-kii. Markaa dadka qaybo ka mid ah Soomaaliya ka qaxa ee goobo kale oo isla Soomaaliya ah gaadhaya waxa loo aqoonsan yahay baro-kacayaal, laakiin maaha qaxoonti, kuwa Soomaaliya ee jooga Somaliland iyaguna waa baro-kacayaal.