Wasiir Beedka Cunoo, Digaagada Daa.

Ilaahow kuwa colaada ku dharga naga qabo, ilaahow kuwo nabada ku dharga naga yeel aamin,sidii tusmadii hore aynu kusoo sheegnay waxaynu kazoo hadalnay in 8 wasaaradood in ay ku dhisantahay miisaniyada qarankeenu ku dhisanyahay.
Horta dalka waxa liita qofka yidhaa waxaynu nahay dal yar oo burburay oo lakab kabayo. Waayo hadii uu siyaad bare ina haystay 21 sano manta adigu waxaad dal madaxbanaan tahay 23 sano. Waxa manta dalku marayaa in aanu dadku helikarin wax iyagu lasoo baxaan oo ay ku noolaankaraan 2 todobaad, waayo dalaka waxa dibada lagasoo dajiyaa Toonta, mana lihin qorshe inooga yaala waayo waxa iska hor imanaya nidaamka wasaaradaheenu u shaqeeyaan iyo rabitaankeena ama baahideena, tusaale wasaarada qorshaynta qaranka iyo wasaarada maaliyadu waa kala laba wasaaradood halkii ayka ahayd in maadama oo ay inoo hagayso qorshayaasheena in ay iyadu jaangooyso kharashaadkeenana.
Wasaarada Maaliyadu waxay ururisaa cashuuraha ay sameeyaan 8 wasaaradood ee kala ah: W/Ganacsiga, W/Boostada, W/Warfaafinta, Hawlaha Guud (kiro),W/Macdanta, W/beeraha, W/Kalumaysiga, W/R/Miyiga. Hadana waxa ayka kharash badan tahay marka intoodaba laysku daro waamaxay sobobtu? Jawaabta Golaha Wakiilada ayaan u dhaafi, bal eeg hada shaxdan hoose:
Somaliland hadii ay dhacdo in quutal daruuriga dibada uga imanaya laga joojiyo ama carqaladi gasho malaha kayd ama wax ay ku noolaankargo 2 todobaad waayo ma jiro dawladu kharash ay u qorshaysay beeraha, beeraha iyo kaluunka midna waxa ay hodanku tahay xoolaha,beeraha iyo kaluunka, nasiib daro lakiin waa sadexda wasaaradood ee ugu qarashka yar. Bal u fiirso hada kharashka ay soo saarto iyo kharashka odoroska 2015 loogu talagalay.
Marka aad aragto qorshe xumada wasaarada maaliyada ee odoroska miisaaniyadeed waxaad ka dhandhansanaysaa in wasaarada maaliyadu meel u hub urursanayso waayo tusaale sarifka qiimaha doolarka iyo kaashka ku dhawaad waxay wasaaradu qaadataa $1=1000slsh, ku darsoo waligeed may dhicin iyadoo carafo lagu jiro in doolarku qaaliyoobo waamaxay sobobtu?
Aynu eegno hada faarqiga u dhexeeya wasaaradaha Maaliyada, Kaluumaysiga, Beeraha iyo Xanaanada xoolaha.
Hadii aynaan ogaan wasaaradaha nolosheenu ku xidhan tahay waxa dhicidoonta caqlli xumo aad u wayn waxaanay lamid noqonaysaa qof digaadii beedka u dhali lahayd cunay halkuu beedka ka cuni lahaa.