“Meel Aan Ogahay Oo Madaxweynuhu Ku Yidhi Waan Tanaasulay Anigu Ma Ogi” Muuse Biixi

Hargeysa (Berbera news) Guddoomiyaha Xisbiga taladda haya ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi ayaa Beeniyey in Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu ka Tanaasulay Musharaxnimada Xisbiga kulmiye.
 
 
 
 
Muuse Biixi waxa uu sheegay in Musharax kali ee Xisbiga kulmiye leeyahay uu yahay Madaxweyne Siilaanyo oo uu tilmaamay in Sharciga dalku dhigayo in labba Jeer uu isa soo sharaxi karo, waxanu meesha ka saaray wararkaasi sheegayey in Siilaanyo uu iska dayey in doorashada danbe uu isa soo sharaxo, waxaanu hoosta ka xariiqay in doorashada 2015-ka uu Madaxweyne Siilaanyo u taagan yahay.
 
 
 
 
 
“Meel lagaga wada hadlay oo aan Ogahay oo Madaxweynuhu ka yidhi Arintaasi waan ka tanaasulay ama go’aankaas uu ka sheegay haba yaraatee ma jirto.Warkaasi ma jiro, meel aan joogay oo arintaasi lagu soo qaadayna ma jirto, sideedaba arintaasi ma jirto oo waa war aan jirin” ayuu yidhi Gudoomiyaha Kulmiye
 
 
 
 
Guddoomiyaha Xisbiga kulmiye Waxa kale oo uu sheegay in uu soo dhaweynayo Guddida Cusub ee komishanka Doorashooyinka Qaranka ee dhawaan la magacaabay waxanu tilmaamay in Xisbiga Kulmiye si fiican ulla shaqayndoono Komsihanka Cusub oo uu tilmaamay in sifihii sharciga ahaa lagu soo magacaabay.
 
 
 
 
 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa