Dawlada Somalia Iyo Puntland Oo Kala Saxeexday Heshiis Ka Kooban 12 Qodob

Hargeysa (Berbera news) Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Puntland oo afartii maalmood ee ugu dambeeyey magaalada Garowe wadahadallo uga soconayeen ayaa maanta kala saxiixday heshiis 12 qodob ka kooban.
 
 
 
Heshiiskaas oo labada dhinac ay u kala saxiixeen Ra’iisul Wasaaraha Dowlada Federaalka Cabdiweli Shiikh Axmed iyo Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas waxaa goob joog ka ahaa mas’uuliyiin ka socdey Qaramada Midoobey, Midowga Yurub, IGAD iyo dalka Itoobiya.
 
 
 
 
Qodobada lagu heshiiyey waxaa kamid ahaa dhamaystirka dastuurka iyo dhismaha maamul goboleedyada iyada oo loo marayo qaab sharci ah. Dowlada Federaalka ayaa garowsatay inuu jiro wax ka bedel lagu sameeyey dastuurka arintaasoo Puntland si weyn ugu riyaaqday.
 
 
 
Puntland ayaa soo dhoweysey dhismaha maamulka loo sameynayo gobolada Galguduud iyo Mudug, waxaase heshiiska qayb ka ah in gobolka Mudug loo qaybiyey labo. Qaybta koonfureed oo ka tirsanaan doonta maamulka gobollada dhexe iyo qaybta waqooyi oo Puntland raacsan.
 
 
 
Qodobada muhiimka ah ee heshiiskani dhigayo waxaa kamid ah:
Dhismaha ciidamo qaran oo isu dheeli tiran iskuna dhafan.
In si cadaalad ah loo qaybsado deeqaha lagu soo qaado magaca Soomaaliya.
In si cadaalad ah loosoo magacaabo mas’uuliyiinta dowlada ee rayidka ah iyo kuwa aan rayidka ahayn labadaba.
In si cadaalad ah loo qaybsado wixii kasoo noqda hantida Soomaaliya dibada uga maqan.
Iyo in si deg deg ah laysugu soo celiyo hantida la kala haysto.
 
 
 
Shahaadada dugsiga sare ee Puntland ayaa kamid ahayd arimaha laysla meel dhigay, waxayna labada dhinac isla ogolaadeen in shahaadada lagu qoro magaca Dowalda Federaalka, astaanta qaranka iyo magaca Wasaarada Waxbarashada Puntland.
 
 
 
Heshiiskan ayaa soo afjaraya khilaaf mudo dhowr bilood ah soo jiitameyey oo ka dhex jirey Dowlada Federaalka iyo Puntland, khilaafkaasoo cirka isku sii shareeray markii la bilaabay qorshaha lagu dhisayo maamulka gobollada dhexe (Mudug iyo Galguduud).
 
 
 
Dowlada Federaalka iyo Maamulka Puntland waxay dhowr mar oo hore kala saxiixdeen heshiisyo caynkan oo kale ah kuwaasoo badankooda aanay waxba ka hirgelin, lamana saadaalin karo in heshiiska maanta Garowe lagu kala saxiixday ka duwanaan doono kuwii ka horeeyey iyo in kale.
 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa