Golaha Guurtidda Oo Hakiyay Xeerka Diwaan-gelinta Ee Hore Ay U Soo Anixiyeen Wakiiladdu

Hargeysa (Berbera news) Shir Gudoonka Golaha Guurtida Somaliland ayaa sheegay in la hakiyey Xeerka Diwaangalinta Madaniga ah iyo Diwaangalinta Codbixiyaha, kaasi oo dhawaan golaha wakiiladu Ansixiyay.
 
 
Shirgudoonka ayaa Fadhigii caadiga ahaa ee golaha waxay ka sheegeen in Go’aanka lagu hakiyey Xeerkan, iyagoo sababta ku sheegay in Xeerkani yahay mid xaasaasi ah islamarkaana lagu arkay waxyaabo badan oo Iskhilaafsan,sidaasi darteedna la hakinayo si wax looga waydiiyo Golaha wakiilada.
 
 
 
 
Arinta Xusida Mudan ayaa ah in Golaha guurtidu saaka galay fasax 45 Maalmood ah, islamarkaana fasax ka dib la lafagurayo qabyada xeerkan lagu arkay iyo sixidiisa.
 
 
 
Golaha wakiilada Somaliland ayaa 30-kii bishii hore cod aqlabiyad ah ku ansixiyay xeerka Diwaangalinta Madaniga ah iyo codbixinta iyadoo 66 mudane oo fadhiga joogay 64 ka mid ahi Ogolaatay ansixintiisa, sidaasna ay ku galeen Fasax lix todobaad ah.
 
 
 
Xukumadda ayaa ka hor ansixinta Xeerka sii bilawday Diwaangalinta Madaniga ah, iyadoo mudooyinkii u dambeeyay ba Diwaangalintu ka socotay Magaalada Hargeysa.
 
 
 
Berbera news/Hargeysa