Halkee bay maraysaa Ballaadhinta dhismaha dekedda Berbera?

Berbera(Berberanews):-Deked cusub oo lagu dhisayo qaab iskaa-wax-u-qabso ah, ayaa dhismeheeda laga bilaabay magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil oo ay ku taallay Dekedda rasmiga ah ee Somaliland ugu wayn, waxaanay Dekeddan cusub ee iskaa-wax-u-qabsada lagu dhisayaa noqonaysaa tii labaad ee ay Berbera yeelato.

Shaqaalaha ka hawlgala Waaxyaha kala duwan ee Dekedda wayn ee Berbera, ayaa hawshan bilaabay, isla markaana maalinta ay Waax Shaqaaleheedu galaan. Haddaba, Weriye Axmed Siciid Maxamed oo ka hawlgala Telefeshinka Kalsan, ayaa maanta Warbixin ka soo diyaariyey Shaqaalaha Dekedda Berbera oo Shaqada wadada.

Waxa uu Axmed Siciid waraysiyo kala duwan la yeeshay Masuuliyiinta Waaxyaha Shaqaalohoodu qaabkan iskaa-wax-u-qabsada ah ku dhisayaan Dekedda labaad ee Berbera, Masuuliyiinta Dekedda Berbera iyo Ganacsatada Dekedda wax kala soo daga qaarkood oo uu Warbixin qurux badan ka soo diyaariyey.

Warbixintaas oo aad u xiiso badan waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho Habboon:-