“Musharaxiinta KULMIYE Waa Siilaanyo Iyo Saylici” Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland

Hargeysa (Berbera news) Madaxweyne xigeenka Somaliland, ahna ku simaha Madaxweynaha Cabdiraxmaan Cabdilaahi Saylici ayaa sheegay inaanay waxba ka jirin wararka sheegaya inuu Madaxweynuhu tanaasulay.waxa uu sheegay in isaga iyo Madaxweyne Siilaanyo yihiin Musharaxa iyo ku xigeenka Kulmiye.
 
 
 
 
 
“Waxaa jiray warar suuqa soo galay oo lagu yidhi Madaxweynaha ayaa Musharaxnimo ka tanaasulay,Wararkaasi warar sal iyo raad toona leh maaha.Madaxweyne Axmed Siilaanyo waa Musharax,Xisbiga Kulmiye waxaa u musharaxiin ah Madaxweynaha iyo Aniga,sida Dastuurka dalkeenu siinayo, dadkayna u taalaa inay noogu ceshaan iyo inkale laakiin musharaxiintu Axmed Maxamed Siilaanyo iyo Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici weeye” ayuu yidhi Madaxweyne Xigeenku.
 
 
 
Madaxweyne xigeenka ayaa hadalkan ka sheegay Munaasibad loo qabtay qalin jabinta 130 Arday oo ka qalin jabiyay Machadka Shaqaalaha dawladda .
 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa