Xubno Siyaasiyiin Ah Oo Masuuliyiin Xukuumadda Ka Tirsan Ku Eedeeyay Inay Faafiyeen Warkii Lagu Sheegay In Maxaweyne Siilaanyo Uu Tanaasulay.

Hargeysa (Berbera news) Siyaasiyiintan ayaa Masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda Somaliland oo aanay magacyadooda xusin ku eedeeyay inay sabab u ahayeen warar Todobaadkan soo baxay oo Sheegay in Maxaxweyne Siilaanyo uu ka tanaasulay tartanka uu ugu jiro in uu mar kale Hoggaamiyo Somaliland.
 
 
 
 
Wasiirkii hore ee Ganacsiga Xukuumaddii Daahir Rayaale Kaahin Abiib Xasan Filfil iyo Siyaasiga Cabdi Saleebaan Mingiste oo ay maanta si Wadda-jir Warbaahinta ula hadleen Xubnahan ayaa eedo u jeediyay Xisbiyadda Mucaaridka, kuwaas oo sheegay in Mucaaridku ay wadaan jaah-wareer Siyaasadeed.
 
 
 
 
Geetska kale Xoghayihii guud ee hore Xisbiga UCID Axmed Aadan Ismaaciil Kayse ayaa shacabka Somaliland ugu baaqay inay ka feejignaadaan ku dhaqan Qayb-yaaladda, isaga oo xusay in Qaybyaaladdu ay bu-buriso Nidaamka Dawladnimo.
 
 
 
 
Hoggaanka Xisbiga Taladda haya ee KULMIYE iyo Xukuumadda ayaa Todobaadkan beeniyay in aanu Maxaweynaha Somaliland ka tanaasulin Musharaxnimadda uu mar kale ugu Tartamayo Madaxtinimada Somaliland.
 
 
 
 
 
Halkan ka daawo.

 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa