Guddoomiyaha Jimciyadda SOOYAAL Oo Shaaciyay Wakhtiga La Qabanayo Xuska Shuhadada SNM

Hargeysa (Berbera news) Guddoomiyaha Jimciyadda Muhaahidiinta SOOYAAL Xasan Cabdi Maxamed, ayaa Iclaamiyay wakhtiga la qabanayo Xuska 30 guurada Shuhadada SNM ee ku beegnayd 17 October.
 
 
 
 
Waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Waxaan doonaynaa inaanu Iclaamino 17-ka October oo ku beegan Maalinta Jimcaha, kuna beegan Xuska Shuhadada SNM ee Jimciyadda Sooyaal sanad walba qabato,markaa 17-ka October oo ku beegan Maalin Jimce ah waxay u riixmaysaa maalinta Sababtida, iyadoo Sagaalka Subaxnimo ee Sabtida uu Xusku ka dhici doono Hotel Maansoor” ayuu yidhi Gudoomiyaha Sooyaal oo maanta Magaaladda Hargeysa kula hadlay Warbaahinta.
 
 
 
 
Gudoomiyaha SOOYAAL waxa uu sheegtay in dhamaan Mujaahidiinta SNM ay si sharci ah u metesho Jimciyaddu “Sooyaal waxay u xilsaaran tahay wixii ka soo jeeda Magacii la odhan jiray SNM, iyadaa loo sharciyeeyey,iyadaa u xilsaaran iyadaana ka shaqaysa.1991-kii ayaa Sooyaal la sameeyay,iyadaana si sharci ah u metesha Mujaahidiinta SNM, iyadaana ka shaqaysa wixii taariikh ah wixii Xus ah, wixii naafo ah iyo wixii fayawba.” Ayuu yidhi Gudoomiyaha Sooyaal.
 
 
 
 
 
 
 Berbera news/Hargeysa