“Inta Mas Iyo Halaq Is Dhex-haadaafaysa Madaxtooyada Waad Yaabaysaan Idinku Burco Ayaad Ka Joogtaane” Cali Guray

Hargeysa (Berbera news) Waxaad ogaydeen todoba safiir oo Yurub iyo Maraykanaa dalka yimi ,arimaha ay u socdeen ,arinka kowaad ee ugu muhiimsanaa waxa uu ahaa doorashadii aynu , waydiisanay ee waliba ay inaga caawiyeen ,markaa waxay yidhaadeen waar doorashadii aanu idinka caawinaynay qarashkeedana aanu idinka taageeraynay, jiitan ayaa idinku yara jiree qoladiinan xukuumadu sidaad leedihiin “ Sidaasi waxa yidhi Guddoomiyaha Sedexaad ee Xisbiga Ucid Muj: Cali Guray oo la hadlay Dadweynaha reer Burco Safar ay Burco ku yimaadeen daraato isga iyo Musharaxa Xisbiga Ucid Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen.
 
 
 
 
 
Sidoo kale Muj: Cali Guray ayaa ku eedeeyay kooxo madaxtooyadda ku sugan oo maafiyo ah in ay Qabsoomida doorashada carqaladaynayaan ,isla markaana hadalka madaxweynuha ka soo yeedha ,Boqol kal madood ka daba keenayaan ,kuwaasi oo uu u digay ,waxaanu yidhi  “Waxaad ogaydeen todoba safiir oo Yurub iyo Maraykanaa dalka yimi ,arimaha ay u socdeen ,arinka kowaad ee ugu muhiimsanaa waxa uu ahaa doorashadii aynu ,inaku waydiisanay ee waliba ay inaga caawiyeen ,markaa waxay yidhaadeen waar doorashadii aanu idinka caawinaynay qarashkeedana aanu idinka taageeraynay, jiitan ayaa idinku yara jiree qoladiinan xukuumadu sidaad leedihiin ,dabadeed-na madaxweynuhu hore-na labada Aqal ee baarlamaanka wuu uga sheegay in aanu maalin ku darsanaynin mudadii xilka loo igmaday , wufuudan oo dhana wuu sheegay in doorashadu xiligeedii ku dhacayso ,hadaba balaayadan ku hoos-naban ee ka hoos duryamaysa ,ee leh kolna sanad ayaa la kordhinayaa kolna laba Sano ,” Waa Duryama “ Meeshan uu ku jiro ayaa meel-baas ah madaxweynuhu “ Sidaasi ayuu yidhi Cali Guray,waxaanu intaasi raaciyay

 
 
 
 
“Inta Mas ,Jilbis ,Halaq ,Good ,Abees iyo Abguri is dhex-hadaafaysa meeshaasi madaxtooyada waad yaabaysaan dalka idinku Burcaad ka joog-taane ,markaa odayga u duceeya in Ilaahay waxaasi ka nabad-geliyo oo meesha nabad-gelyo kaga tago “ Sidaasi ayuu Muj: Cali Guray hadalkiisii kaga baxay.
 
 
 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa