Qarax Khasaare Geystay Oo Ka Dhacay Muqdisho

Muqdisho (Berbera news) Ugu yaraan afar qof oo uu ku jiro sarkaal ka tirsan ciidamada nabadsugidda Somalia oo la sheegay inuu qaraxu ku xirnaa baabuurkiisa ayaa ku dhintay qarax ka dhacay isgoyska afarta-jardiino, degmada Yaaqshiid ee Muqdisho.
 
 
 
Qaraxan ayaa waxaa sidoo kale ku dhaawacmeen 10-qof oo shacab iyo askaritii ilaalada u ahaa sarkaalka, waxaana qaraxan uu ka dhacay goob jaadka lagu iibiyo, waxaana xilliga uu qaraxu dhacayay uu sarkaalku qaad ka qaadanayay xaaskiisa oo jaad iibisa.
 
 
 
Goobjoogayaal ayaa sheegay inuu arkay dhimashada shan qof oo sarkaalkii gaariga watay uu ku jiro, uuna arkay dhaawacyada toban ruux oo kale, wuxuuna xusay in dadka goobta ay waxyeelladu ku gaartay ay u badnaayeen shacab.
 
 
 
“Qaraxu wuxuu ahaa mid xooggan, waxaana goobta uu ka dhacay ku sugnaa dad aad u fara badan, dadka dhintay iyo kuwii dhaawacmay waxaa ku jiray dadkii jaadka iibinayay iyo dadkii ka iibsanayay,” ayuu yidhi goobjoogahan.
 
 
Sidoo kale, guddoomiyaha degmada Yaaqshiid oo xaqiijiyay qaraxa dhacay, isagoo sheegay inuu ahaa mid ku xirnaa gaariga uu watay sarkaal ka tirsan nabadsugidda Qaranka, laguna howlan yahay sidii dhaawacyada loo gaarsiin lahaa isbitaallada iyo goobaha caafimaadka.
 
 
 
Ilaalada sarkaalka ayaa la sheegay inay ka go’een lugaha iyo qaybo kale oo jigkooda ka mid ah, waxaana sidoo kale si xun ugu dhaawacmay haweenkii jaadka iibinayay iyagoo goobaha caafimaadka loo qaaday iyagoo aad u liita.
 
 
 
 
Ma jirto illaa hadda cid sheegatay inay mas’uul ka tahay qaraxan, kaasoo ku soo beegmaya xilli habeen ka hor uu Muqdisho ka dhacay qarax ismiidaamin ahaa oo sababay dhimashada badan oo shacab ah iyo dhaawaca kuwo kale.
 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa