“Dalka Lagu Xukumi-maayo Dhaxal Iyo Isku Kordhis” Musharaxa Madaxweyne ku xigeenka Xisbiga UCID

Hargeysa (Berbera news) Musharaxa Madaxweyne ku xigeenka Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Cabdirashiid Xasan Mataan waxa uu sheegay in Xeerka Diwaan-gelinta Madaniga ee ay Arbacaddii Todobadkan hakiyeen Golaha Guurtidda Somaliland ay tahay arrin la doonayo in dib loogu dhigo Doorashooyinka.
 
 
 
Cabdirashiid Xasan Mataan oo maanta Magaaladda Hargeysa ugu waramay KALSAN TV waxa uu kale oo uu sheegay in Xisbi ahaan aanay aqbali-dooni haddii Muddo kordhin loo sameeyo Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo.
 
 
 
Musharaxa Madaxweynaha Xisbiga UCID sidoo kale waxa uu cambaareeyay talaabadda ay Xukuumadda Maxdaxweyne Siillaanyo isku hor-taagtay in Fanaanadda Sahra Halgan ay qabato Xuska Shuhaadda SNM, waxaanu sheegay in Madaxweyne Siilaanyo xiligii uu Mucaaridka ahaa uu Daahir Rayaale uu ku eedayn-jiray in uu ku tumanayo Xoriyadda iyo Madaxbanaanidda Muwaadiniinta.
 
 
 
Doorashooyinka Somaliland ayaa lagu wadda inay qabsoomaan badhtamaha Sanadka Soo-socda, iyadda oo ku gedaaman yihiin Duruufo badan oo ay ka mid yihiin Diwaangelinta Codbixiyayaasha oo aan weli la shaacin wakhtiga la qabanayo.
 
 
 
 
Halkan ka daawo.

 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa