Dhagayso: Xildhibaano Ka Tirsan Golaha Deegaanka Hargeysa Oo Sheegay Inay Gabeen Masuuliyaddii Ay Bulshadu U Igmatay, Eedan-a U Jeediyay Maayar SOLTELCO

Hargeysa (Berbera news) Mudanayaashan ka tirsan Golaha Deegaanka Hargeysa oo maanta Warbaahinta kula hadlay Magaaladda Hargeysa ayaa eedo xilo guddasho la’aaneed u jeediyay Duqa Magaaladda Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco), waxaanay ku dhaliilay inuu gabay Masuuliyaddii ay Bulshaddu u igmatay.
 
 
 
Xildhibaanaddan ayaa kala ah Xildhibaan Xasan Shahar, Xildhibaan Mubaarig Cabdi Mawlow, Saleebaan Daahir Dogax, Xildhibaan Cismaan Waxar iyo Xildhibaan Axmed Cali Haybe, kuwaas oo sheegay in Guddoomiyaha Golaha Deegaanka Hargeysa Cabdiraxmaan Soltelco uu awood u yeelan-waayay inuu Maamulo hawlaha shaqo ee Golaha Deegaanka Hargeysa.
 
 
 
 
Halkan ka dhagayso.

 
 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa