Xukuumadda Oo Cudud Ciiddan Ku Hor-isrtaagtay Xuska Shuhaadadda SNM , Muuse Biixi Iyo Xildhibaan Rayte Oo Gacan Hadal Uu Ku Dhex-maray

Hargeysa (Berbera news) Xukuumadda Somaliland ayaa is hor-taagay Xus loo qaban lahaa Ururkii dhaq=dhaqaaqa Soomaaliyeed ee SNM oo maanta ay ku beegnayd Xuskiisu oo ay qaban-lahayd Fanaanadda Sahra Axmed Maxamuud Sahrha Halgan.
 
 
 
 
Siyaasiyiinta Madda-sha wadda tashiga Somaliland oo Doonayay inay Warbaahinta kala hadlaan arrintan si ay cambaareeyaan waxay isku dayay inuu hakiyo Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo isagu ka mid ahaa Ururka SNM, balse waxay arrintaasi dhalisay in hadalo kulul ay weydaarsadeen Xildhibaan Ibraahim Jaamac Cali Rayte oo isagu ku sugnaa Goobtii joogeen Xubnaha Madasha Wadda tashigu iyo Guddoomiye Muuse Biixi, taas oo dhalisay Gacan ka hadal uu dhex maro labadan Masuul.
 
 
 
 
 
Guddoomiyaha Maddasha wadda tashiga Xasan Guure Jaamac iyo Cali Maxamed Yuusuf Cali Guray oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay Cambaaraynayaan Talaabadda ay Xukuumaddu ku hor istaagay Xuskan ay maanta qaban lahayd Maanta Sahrah.
 
 
 
 
Geesta kale Wasiir ku xigeenka Aamniga ee Wasaaradda Arrimaha Guddaha Cali Maxamed Cilmi ayaa ka waramay Sababaha ay Xukuumad ahaan u hakiyeen Xuskan.
 
 
 
 
Halkan ka daawo.
 
 

 
 
 
Berbera news/Hargeysa