Xukuumadda Oo La Sheegay Inay Waddo Qorshe Ay Ku Carqaladaynayso Shirka Dhaliny-yaradda Somaliland Ku Qabsanayaan Degaanka Cadaadlay

Hargeysa (Berbera news) Xukuumadda Somaliland , gaar ahaan Wasaaradda Arrimaha guddaha ayaa la sheegay inay waddo Qorshe nuxurkiisu yahay sidii aanu u qabsoomi-lahayn Shirka qaar ka mid ah Dhalinyaradda Somaliland ay sheegeen inay dhawaan ku qabsanayaan Deegaanka Cadaaadlay oo Magaaladda Hargeysa kaga beegan Koonfur bari, kaas oo Dhalinyaraddani ay sheegeen inay kaga hadlayaan Qodobo ay ka mid yihiin Suluug ay sheegeen inay ka qabaan hanaanka Hoggaamineedd ee Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iyo Barnaamijka Siyaasadeed ee KULMYE ay ku hoggaaminayso Dalka.
 
 
 
 
Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegay in Wasaaradda Arrimaha gudduhu ay waddo talaabo ay ku doonayso in aanu qabsoomin Shirkani, iyadda oo xoguhu intaas ku darayaan in inay Xukuumaddu wadda arrimo ku aadan dhaq-dhaqaayadda Shirkaasi iyo Qaban-qaabadiisa ay qorshaynayso inay ka hor-tagto.
 
 
 
Shirkan ayaa Dhalinyaraddani ay qabaashdiisa dhawaan iclaamisay, kaas oo ay Xukuumaddu-na walaac ka qabto, iyadda oo qaar ka mid ah Dhalinyaradda ku dhaqan Goboladda Somaliland ay sheegeen inay soo dhaweynayaan Shirkan, isla-markaana ay ka qayb-qaadanayaan dhicitaaniisa.
 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa