Maamulka dalka Nigeria oo sheegaya inay heshiis xabad joojin ah la gaareen kooxda Boko Xaraam.

Maamulka dalka Nigeria ayaa sheegaya inay heshiis xabad joojin ah la gaareen kooxda Boko Xaraam.
Maamulka dalka Nigeria ayaa sheegaya inay heshiis xabad joojin ah la gaareen kooxda Boko Xaraam.
Caawiyaha madaxtooyada Hassan Tukur ayaa sheegay in heshiiska ay ku jiraan siideynta in kabadan 200 oo gabdho iskuuley ah oo Boko Xaraam ay qafaasheen lix bilk a hor.
Waxa uu intaa ku daray in heshiiskan la gaaray kaddib isbuucyo wada xaajood ah oo ay dhexdhexaadineysay dowladda Chad, wuxuuna xaqiijiyay inay jiri doonaan wadahadalo dheeraad ah oo looga hadlayo qaabk loo siideynaayo gabdhaha. Ma jiro war ka soo baxay ururka Boko Xaraam illaa iyo hadda