“Anigu UCID-baan Mucaarid U Naan, WADDANI-na Waa Kan Wakiiladda Ah” Muuse Biixi

Hargeysa (Berbera news) Guddoomiyaha Xisbi Xaakimka KULMIYE Muuse Biixi Cabd ayaa Sheegay in Isagu Xisbiga Ucid uun Mucaaradka Somaliland u yaqaano islamarkaana Waddani Xukumadda iska yahay.
 
 
 
Muuse Biixi oo Maanta ka jawaabayay dhaliilaha Mucaaradka ee ah in Xukumaddu doorashada lugta hayso islamarkaana mudo kordhin u xusul duuban tahay, ayaa sheegay in Xukumaddu wixii kaga aadanaa meel marisay.
 
 
 
Muuse Biixi waxa uu hadalkan ka sheegay Mar Hogaanka Xisbiyadu ka hadlayeen Ujeedada Safar ay ku tagayaan Nairobi.isagoo tixraacaya hadal Gudoomiyaha Ucid Madasha ka jeediyay oo nuxurkiisu ahaa in Xukumaddu doorashada dib u dhigay islamarkaana Weji gabax laga kulmayo Qaadhaan bixiyeyaasha ayaa sheegay in eedaasi Xukumadda iyo Xisbiga Kulmiye bari ka yihiin.
 
 
 
 
Waxaana hadaladiisi ka mid ahaa  “Horta Faysal dee imika waxbuu yar taabtay, isagoo iska dhawraya, Ninkana Usha Agtiisaa lagu dhuftaaye laguma jeexo.Wuxuu yidhi waxbaa habsaansan oo waxbaa habsaansan oo waa waji gabax,Waji gabaxaas aad sheegtay Faysalow Kulmiye iyo Xukumaddiisu shaqo kuma leh ee Bari baanu ka nahay ee waxba aniga ha ii duur xulin” ayuu yidhi Muuse Biixi.
 
 
 
 
Gudoomiyaha Kulmiye oo tixraacaya hadalo Mucaaradku ku doodaan oo ku aadan in Doorashada Xukumaddu dib u dhigayso waxa uu sheegay in Mucaaradka uu u yaqaan Xisbiga Ucid oo kaliya “Baryahan Qoladiinan Mucaaradka ahi, anigu Mucaaradka waxaan u aqaan uun Ucid oo dee Waddani waa Golihii wakiilada labadayaduna markaa Qarankaanu nahaye, waxaa aad naloogu duraa Kulmiye Doorashaduu habsaaminayaa Doorasho ma doonayo, kanuu daahiyay iyo kanuu daahiyay.
 
 
 
Waar Waynu is hor fadhinaaye bal waxa nagu baaqday anaga noo sheega, anaga dhawr waxbaa nalaga rabay, mid wuxuu ahaa Sharcigii doorashada,wuuna hirgalay,markii uu hir galayna Weedh baad diideen oo aynu todobaad isku haysanay. Waxaa tidhaahdeen Dhaqaalihii soo diyaariya, waa naga diyaar, hadda Komishankan lagu rafanayo ee la leeyahay waxbuu daahinayaa, sababtiisa koobaad ee hala bedelo idinkaa lahaa. Waa la soo bedelay haddaba Baarlamaankaa Fasax galay…Barlamaanka yaa xukuma ma anaga, waakan Gudoomiyihii Baarlamaanku. Sharcigii baa hadana la soo celiyay dee anaga nagumuu iman khaladka ku jiraa.markaas garan mayno meeshan aad Xukumaddu doorasho ma rabto ka tidhaahdaan illayn gari Ilaahay bay taqaane.” ayuu yidhi
 
 
 
 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa