“Waxaanu Ka Xunahay In Kulanka Aanu La Soo Yeelanayno Qaadhaan-bixiyayaasha Uu Ku Soo Beeg-mayo… Faysal Cali Waraabe

Hargeysa (Berbera news) Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraab ayaa sheegay inay waji gabax kala kulmayaan Qaadhaan bixiyeyaasha Doorashada ka taageera Somaliland oo ay Nairobi kula soo kulmayaan.
 
 
 
Waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Horta waxaanu la soo kulmaynaa Qolyahaas Doorashada inaga Caawiya.waxaanu ka xunnahay in iyadoo Komishankiina aan la Ansixin, Xeerkiina la soo celiyay uu safarkayagu ku soo beegmo, aad iyo aad baanu uga xunahay” ayuu yidhi Gudoomiyaha Ucid oo warbaahinta la hadlay.
 
 
 
Faysal Cali Waraabe waxa uu tilmaamay inuu filayay in dhanka Somaliland doorashada laga diyaariyo ka dibna wixii caawimo ah la weydiisto balse ay hadda muuqato inaan Somaliland diyaar ahayn “Waxaanu filaynay in iyadoo Komishankii la ansixiyay, Sharcigiina la hir galiyay aanu tagno laakiin labadii midna waxba kama suuro galin.waxba ka sii daran in Xeerkiina la leeyahay kii la gudbiyay khalad baa ka dhacay, taasina waxay keenaysaa inaanu weji gabax kala kulano(Qaadhaan bixiyeyaasha).
 
 
Waxaanuse jecelahay inaanu iskala soo galgalano, maxaa yeelay arimahani waxay dadkaasi ku noqonaysaa waxaan la filayn,markaa waxaanu jecelahay in arintaas wixii nagala soo gudboonaado aanu ka nidhaahno, si aanay u niyad jabin dadkii oo ay dedaalkii u wadaan oo iyaguna dhinacooda hawshii ay wadeen aanay u hakinin” ayuu yidhi Gudoomiyaha Ucid.
 
 
 
Eng Faysal Cali Waraabe waxa uu intaasi raaciyay inay qaddiyada Somaliland iyo himiladeeda u bandhigi doonaan Diblamaasiyiinta Wadamada Doorashada inaga caawiya.
 
 
 
Berbera news/Hargeya