Xildhibaano Ka Tirsan Golaha Deegaanka Hargeysa Oo Wadda Mooshin Ka Dhan Ah Maayark Iyo Ku Xigeenkiisa

Hargeysa (Berbera news) iyadda oo maalmihii u dambeeyay uu soo baxay khilaafka u dhexeeya Guddoomiyaha Golaha Deegaanka Caasimadda Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) iyo Mudanayaal ka tirsan Golaha Deegaanka Hargeysa, kaas oo keenay in Xildhibaanaddani ay si toos ah Warbaahinta ula hadlaan, kuwaas oo ku eedeeyay Duqa Hargeysa Musuq Dhaqaale in uu Maamul xumo ku Hoggaaminayo Golaha Deegaanka Magaaladda Hargeysa.
 
 
 
 
 
Ilo-xogogaal ah ayaa sheegay in Xildhibaanaddani ay waddan olole nuxurkiisu yahay Mooshin ay Xilka kaga qaadayaan Maayarka iyo ku xigeenkiisa, waxaana la sheegay in Xubnaha badalkooda noqonaya ay kala yihiin Xildhibaan Saleebaan Daahir Cabdilaahi (Dogox) iyo Xildhibaan Cismaan Waxar.
 
 
 
 
 
Khilaafkan u dhexeeya Maayar Soltelco iyo Mudanayashan ayaa shalay waxa uu yeeshay waji kala oo kala aragti duwanaasho ku dheehan tahay, iyadda oo kal-fadhi ay yeesheen Golaha deegaanka Hargeysa, kaas oo khilaafkani uu salka ku hayo sidii loo kala jiidan lahaa awoodda Golaha Deegaanka Hargeysa.
 
 
 
 
 
Xildhibaanaddan wadda Mooshinka ka dhanka ah Maayarka iyo ku xigeenkiisa ayaa Khamiistii Todobaadkii hore mar ay Warbaahinta la hadleen Magaaladda Hargeysa, waxay sheegeen inay Gole ahaan ku fashilmeen shaqaddii ay Bulshaddu Igmatay, iyadda oo Maayarka Caasimaddu-na eedahaasi uu Shalay iska difaacay.
 
 
 
 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa