Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Warfaafinta Oo Shaqaddii Qaranka Kaga Mashquulay Safaro Tamashle Ah

Hargeysa (Berbera news) Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta iyo Waacyi-gelinta Somaliland Maxamed Cilmi Aadan (Ilka-case) ayaa safaro salka ku haya Tamashle kaga mashquulay Shaqadda uu qaranka u hayo, iyadda oo Safar uu dhawaan ku tagay Dalka Talyaaniga oo uu kaga qayb-galay Shir lagaga hadlayay dhibaatooyinka ay leedahay Tahriibtu uu mudadaasi ka dib ku sii hakadday Waddamo ka tirsan qaaradda Yurub oo uu muqaalo iyo sawiro ka turjumaya Safarka uu ku marayo Waddamadaasi lagu arkay Warbaahinta iyo barta ay Bulshaddu ku wadda xidhiidho ee FACEBOOK.
 
 
 
 
 
Maxamed Cilmi Aadam Ilkac-case ayaa Sanad ka hore soo qabtay Xilka Agaasimaha guud ee Wasaaradda Kalluumaysiga Somaliland, isaga oo xilkaasi laga badalay ka dib markii uu khilaaf dhex-maray Wasiir Cali buureed, waxaana khilaafkaas badalkiisu noqday in loo badalo Wasaaradda Warfaafinta.
 
 
 
 
 
 
Muddaddii Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo taladda Somaliland qabatay waxa uu Agaasime Ilka-case soo qabtay Agaasimaha soo dhaweynta Waftiyadda iyo Martidda  Madaxtooyadda ee Kulamadda la qaadanaya Madaxweyne Siilaanyo  ( Chief of Protoco), balse muddo ka dib uga sii gudbay darajo  Agaasime guud ah.
 
 
 
 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa