ANIGU GARAN MAAYO XUKUMADA JAANISKA BALAAYADA IYO XUMAATADA UGU JIRA

A
Sida Aynu Bulsha Ahaan Kuso Tisqaadnay Hadaan Dabeeciyan BOOGAHA Intay Qoyan Yihiin Aan Si Wacan Loo Dhayin Waxay Ka Tagaan BAAGO Madow Iyo Xanuun Daba Dheeraada , Hadan Soo Dhaafo Waxaydun In Dhawaale La Socoteen Qaabkii Xumaa Ee uu U Dhacay Dilkii Saraakhiisha CIIDANKEENU Waxase Arinta Iyado In Badan Laga Hadlay Aad Mooda In Mar Labaad Dib Loso Cusboonaysiiyay , Ka Dib Ku Xukunkii Aan Lagu Farxin Ee Lagu Qaaday Kuwii Falka Qaybta Ka Ahaa ama Lahaaba Hubki Wax Lagu Fuliyay , Guud Ahaan Bulshada Somaliland Waxay Eegaysay Ciqaab Kulul Oo Ugu Yaraan XABSI DAA’IN Ah In Lagu Fuliyo Cidii Falka Ku Lug Lahaydba Noocay Tahayba Maadama Xaaladuna Xaalad Malatari Ay Tahay Dalkana Meel Culus Ay Kaga Jiraan Ciidamada Qalabka Sida , Si Faafreeb Cad Loogu Sameeyo Wixi Mesha Ka Dhacay .
1463159_746642922016591_1947709348_n
Anigoo Mar Labaad Tacsiyadaynaya Qoysaskii Iyo Qaraabadi Ay Kaso Jeedeen Saraakiisha Inaka Baxday Dhamaanteena Aan Odhan Karo Way Inaka Baxeen SOMALILAND Ahaan , Waxan Kalmad Fariina u Diri Lahaa Beelaha Walaalaha Ah Ee Dhibtu Sida Goonida u Taabatay Inay Hadalka Saxaafada Ay Marinayaan Ay Yareeyaan Sababtoo Ah Cawaaqibka Howshani Yeelan Karta Si Aanay u Noqon Mid Kasii Balaadhan , Waxa Tusaale Inogu Filan Marka Dhibi Dhacdo Waxa Layna Amraya In Kiiska Mafsada-da Ka Dhalan Karta Haday Wayntahay In Hoos Loo Dhigo Tasliix Badana La Galo , Waxan Ugu Baaqaya In Guud Ahaan Kiiska La Qaaday Racfan Dib Looga Qaato Xukunkaana Lagu Noqdo Madama Aanu Bulshada Qayb Badan Oo Ka Mida u Cuntamin ,
Waxan Iyadana Cambaarayn Iyo Dhaleecayn Wayn Dul Huwin Laha XUKUUMADA Haatan Talada Haysa Oo Guud Ahaanba Siyaasada Aad Moodo Inay Ka Aradan Yihiin Waabo Dhabo Way Ka Aradan Yihiine , Caruurtan Qaranka Maamulaysa Waxan Leeyahay Adeerayaal Beelaha Walaalaha Ah Haysku Jabinina Kiiskana Inuu Xumaado Idinka Madax u Ah Idinkaanu Dushiina Saaran Yahay , Maanta Hadii Cadhada Beelaha Wax Gaadheen Ay Tirsanayaan Ay Sababto In Saraakiil Kale Lagu Laayo ama Dadyow Shacaba Waxad Ogaataan In Idinka Laydin Kala Xisaabtamayo , Garan Maayo Ilaayo Hada Waxa Xukuumada Ugu Jira Inay Balaayo Ka Hor tagi Waydo Waxan Leeyahay Wax Badan Baa Laydiin Tirinaya Oo Aydaan ka Hor tagin , Tana Hadad Ku Darsataan Ogaada In Xisaabtu Badanayso .
Waxan Iyadana U Jeedin Laha Xubnaha Golaha Guurtidu Inay Howshan Si Dagdaga Wax Uga Qabtaan Madama Aan Xukuumada Hada Talada Haysa Laysku Halayn Karin Waxan leeyahay Qaabkii Dhaqanku Ahaa Iyo Qaababkii Marxaladiihii Ka Culusa Ee Inaso marayba Loo Xaliyay Tana How Galaan Oo Halo Xaliyo , Saraakiil La Dilaana Manta Inakuma Cusba Oo Qaar Horeba Way Inaga Baxeen Sidiisi Loo Damiyay Hadan Tana Loo Damin Way Xumaanaysa . Waxase Iyaduna Igu Maqaala Oo Mid Ka Mida Ehelada Saraakiisha la laayay Iyo Madax-dhaqamedki Gabilayba Aan ka Haya Walow Anan Si Dhaba Ugu Kuur Galin In NINKII Dhiigya Cabka Aha Ee Falka Gaystay Uu Joogo Deegaan Dhow , Hadayse Taasi Jirto Waa Mid Sii Murgi karta Xaalada Wana Mid Cawaaqib Xumo Kale Horseedaysa Waxan Ugu Baqaya In Arinka La Baadho Si Dagdag Ah na Looga Howl Galo Sidii Ninka Loo Keeni Lahaa .
Aan Iskuso Wada Duube Madaxwaynaheni Hore Waxan Ka Haya Dal Iyo Dad Midaysan Ban Kaga Tagaye Halagugu Yimaado Manta Waxan Leeyahay War SIILAANYOW Kolay Adiga Qoraalkaygani Mid Kuso Gaadhaya ILama Eeko TV-ga Qarankunbad Daawataye Yaryarka Kaa Hooseeye Dalka Waalay Waxay Leeyahay ADEERAYAALOW Qaranka Wax u Nabad Qaba CIIDANKAASA Jiraye Ciidanka Hanaga Burburinina . Sida Awaded Waxaynu u Baahanahay Badbaado Siyaasiya Oo Waaqaca la Jaanqaadi Karaysa Waxan Leeyahay Reer Somaliland-now Socon Mayso In Balaayada Laga Daba Taga , Xam Xam Hoosena Waan Maqlaya Ee Hala Kaco Xukuumadana Yaan Lagu Halayn Howl Danbe , Xisbiyada Mucaaradka Laftoodu Inay Howsha Galaan Way Wacan tahay Waxase Maanta Muhiima Kaalintii SALAADIINTA Somaliland Oo Ah Laf Dhabar Dhaqan Oo Markay Xumaato Aynu Ku Shaqayno Waxan Leeyahay Qolyahaasi ka Kacaan Arintana Haysku Dayaan Inay Dhaqan Ahaan Iyo Siyaasiyan ba Ay Dhaymo Wanaagsan Ka Gaystaan !
By : Mohamed Ahmed
063-4436369 / 065-9436369