Boqor Burhaan Oo Gaadhay Badhan Iyo Dareenadda Ku Xeeran Safarkiisa

Hargeysa (Berbera news) Boqorka Beelaha Daarood Boqor Burhaan Boqor Muuse oo ka soo kicitimay magaalada Qardho ayaa goor dhaweyd gaadhay Degmadda Badhan ee Gobolka Sanaag.
 
 
 
 
Boqor Burhaan ayaa waxa halkaas si weyn ugu soo dhaweeyey dadweyne iyo gaadiid tiro badan oo uu hoggaaminayo Suldaan Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan, kaas oo soo dhawayntan boqorka awgeedba in muddo ahba ku sugnaa magaalada Badhan.
 
 
 
Boqor Burhaan Boqor Muuse Boqor ayaa la filayaa inuu halkaas ka bilaabo qabanqaabada iyo qabsoomidda shirka isusoo dhaweynta beelaha Daarood oo uu doonayo si loogu gudbo shirwayne dhammaan Beelaha Daarood qabsadaan.
 
 
 
Berbera news/Hargeysa