Cali Khaliif Oo Walaac Ka Muujiyay Saamaynta Ay Puntland Ku Leedahay Siyaasaddiisa Iyo Kooxda Uu Hogaamiyo

Hargeysa (Berbera news) Madaxweynaha Kooxda Khaatumo Prof. Cali Khaliif Galeydh ayaa ka dhoofay garoonka diyaaradaha Buuhoodle isagoo kusii jeeda magaalada Addis-Ababa ee xarunta dalka Itoobiya.
 
 
 
 
Prof. Galaydh oo ay sii sagootiyeen xubno ay ka midaysan-yihiin Siyaasadda saxaafadda u sheegay inuu ka qaybgalayo shir Itoobiya loogu qabanayo maamul-goboleeda Soomaaliya ka jira.
 
 
 
 
Sidoo kale Cali Khaliif ayaa walaac ka muujiyey xaaladda Muqdisho oo uu sheegay in maalin walba qarax ka dhacayo goobaha lagu kulmo, waxaanu ku baaqay inay Xukuumada Xasan Sheekh Maxamuud ay xal-keenaan. isagoo dhaleeceyn adag u jeediyay maamulka Puntland oo uu sheegay inay ku haystaan qaar ka mid ah xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya.
 
 
 
 
“Wax badan waan is-diidsiinay colaadda Puntland, balse hadda waa mid aan laga fursan karin oo Soomaalida ayaa tidhaaha – Qaniinyo Qaniiyo ayaa kaa fujisa,” ayuu yidhi Prof. Cali Khaliif Galaydh.
 
 
 
 
Safarka uu madaxweynaha Khaatumo maanta ku ambabaxay ayaa kii ugu horreeyey oo tan iyo markii la doortay uu kaga baxay deegaanka uu ka taliyo maamulkiisa Maqaa-saarka ah ee Khaatumo, inkastoo ku xigeenkiisa Cabdalla Caga-lule uu haatan ku sugan yahay dalka Ingiriiska.
 
 
 
Dhinaca kale safarkan ayaa la sheegay inuu qayb ka yahay kalsooni ugu raadinayaan In Kooxdan uu Hoggaamiyo la garaba istaago, iyadda oo Dawladda Somaliland ay dhawaan Cudud Ciiddan kula wareegtay deegaanadda Bariga oo ay ka wadeen Xasilooni-darro.
 
 
 
 
 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa