Diyaaradaha Maraykanka oo hub iyo saanad caafimaad hawada uga daadiyay Kurdiyiinta

Diyaaradaha Maraykanka, ayaa hawada uga riday hub, rasaas iyo qalab caafimaad dagaalyahanada Kurdishka ee waqooyiga Suuriya ee magaalada Kobane ee ay qabsadeen kooxda Daacish.
Pentagonka ayaa sheegtay in diyaarad Kargo ay dhowr jeer hawada uga soo riday sahay oo ay dowladda Kurdishka ay bixisay.
Afhayeenka ciidamada Kurdishka, Redur Xelil, ayaa sheegtay in sahay dheeraad ah la rajaynayo.
Gurmadkan ayaa timid maalin kadib markii madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, uu u digay Maraykanka iany hubeeyaan dagaalyahanada Kurdishka, iyagoo ugu yeeray argagixiso.