Shirguddoonka Golaha Wakiiladda Oo Fadhi Deg-deg Ah Iskugu Yeedhay Mudanayaasha

Hargeysa (Berbera news) hirguddoonka Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa la sheegay shir doceed ay galeen in ay ku gorfeeyeen duruufaha siyaasadeed ee ka taagan Dalka ee la xidhiidha Doorashooyinka in ay isla qaateen in ay Golaha isugu yeedhaan fadhi aan caadi ahayn oo deg deg ah si ay u meel mariyaan kaalinta ay ku leeyihiin qabyadooda.
 
 
 
 
 
Golaha wakiiladda ayaa galay fasaxa kalfadhigoodii caadiga ahaa, hase yeeshee fasaxoodu waxa uu ku soo beegmay wakhti ay hor yaalaan qoddobo xaasaasi ah oo ay ka mid yihiin Ansixinta Xubnaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka oo ay iyagu awood gaar ah u leeyihiin. Sidoo kale, waxa horyaalay Miisaaniyad sanadeedka 20015-ka oo iyana ay ahayd inay Ansixiyaan.
 
 
 
 
 
Xeerka Diiwaangalinaha Madaniga iyo Doorashada ayaa iyana ka mid ah qoddobada soo dadajiyey qorshaha cusub ee Golaha la isugu yeedhay, waxaana soo if-baxay muran xoogan oo ka taagan Xeerkaasi oo ay labada Gole ee Baarlamaanku isku celceliyeen, kaasoo wali taagan, caqabad-na ku keenay habsami usocodka diiwanagelinta.
 
 
 
 
Kulanka Shirguddoonku ku go’aamiyeen shirka aan caadiga ahayn ee ay golaha isugu yeedheen waxa uu ka dhashay markii uu culays dhinacyo badan ahi ku soo fool yeeshay guddoomiyaha Golaha Wakiiladda oo lagu eedaynayo in uu caqabad ku yahay habsami usocodka hawlaha Doorashooyinka Dalka ku soo fool leh.
 
 
 
 
Sida ilo wareedyo muhiim ahi sheegeen waxa ay shirguddoonku mudanayaasha isugu yeedheen in ay Golaha ka soo xaadiraan Sabtida soo socota, inkasta oo aanay wali baahin amarkooda.
 
 
 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa