Wasiirka Duulista Iyo Hawadda Oo U Xuub-siibtay Afhayeen Xukuumadda Ka Difaaca Dhaliilaha Mucaaridka

Hargeysa (Berbera news) Wasiirka Duulista iyo hawadda Maxamuud Xaashi Cabdi sheegay inuu jawaab ka bixinayo eedo salka ku haya Musuq dhaqaale oo uu dhawaan Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo u jeediyay Wasiirkii hore ee hawlaha guud ee Xukuumaddihii Daahir Rayaale Kaahin Siciid Sulub Maxamed.
 
 
 
 
 
Waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Nimanka Xukumaddii hore xilalka ka hayay waxay ahayd inay xishoodaan, bal Mucaarad cusub iyo Niman aan bulshadu hore u soo arag ha nala murmaan oo hanala yooyootamaane. Sxbkay Siciid Sulub oo kale may ahayn in maanta uu Tuugo nagu caayo ee inuu xishoodo ayay ahayd, bani aadamku haddii uu yaq-yaqsoon waayo iyada lafteedu waa meeqaam la gaadho oo fool xun” ayuu yidhi Wasiirka Duulistu.
 
 
 
Waxaanu intaas ku daray “Waxaan leeyahay Boqol iyo sideetan Milyan ayay Miisaaniyadda qaranku 2015-ka maraysaa, Ajanabi inama siin, foojarina kumaanu soo daabacan ee waxeenii uun baynu si fiican u Maamulanay”
 
Wasiirka Duulista ayaa weedhan uu ku Xukuumadda kaga difaacay Musuq-maasuqan uu Siciid Sulub ku eedeeyay ayaa imanaya, iyadda oo Afhayeenka Xukuumadda Somaliland oo ah Wasiirka Warfaafinta iyo Madaxtooyaddu aanu ka jawaabin.
 
Berbera news/Hargeysa