“Xeerkii La Soo Gudbiyey Iyo Warqadii Lagu Soo Gudbiyay Ayaa Khilaaf Nooga Muuqday” Guddoomiyaha Guurtida

Hargeysa (Berbera news) Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan oo markii u horaysay ka hadlay talaabada Guurtidu ku hakisay Xeerka Diwaangalinta Madaniga ah iyo ta Codbixinta, ayaa sheegay inay ku arkeen khalad islamarkaana aanay is waafaqsanayn Xeerka Wakiiladu ansixiyeen iyo ka loo gudbiyay Guurtidu.
 
 
Waxaana hadaladiisii ka mid ahaa  “Xeerkii la soo gudbiyey iyo warqadii soo gudbisay ayaa khilaaf nooga muuqday dabadeedna shir gudoonkii golaha wakiilada ayaanu ku celinay oo waxaanu ku nidhi labada isa soo waafajiya, anigana halkaas ayaa iigu danbaysay waxaana lay leeyahay warqad ayaa soo noqotay walina maan arag.”ayuu yidhi Gudoomiye Saleebaan oo Xafiiskiisa kula hadlay Warbaahinta
Guddoomiye Saleebaan waxa uu ka hadlay wada hadal ku saabsan Xeerkan oo u la yeeshay Gudoomiyaha Wakiilada “Gudoomiye cirro waxaanu ka wada hadalnay wanaag iyo wixii laba gudoomiye Baarlamaan ka wada hadli jireen, xeerkuna labada gole wuu u kala gudbaa, haddii ay ku qanci waayaan wixii aanu nidhi iyaga ayey u banaan tahay inay go,aan danbe ka gaadhaan halkaana u dhaafi maayo”
 
 
 
Waxa uu sidoo kale sheegay in arinta Dib u celinta Xeerku la xidhiidho wanaajinta xeerarka balse aanay wax kale oo u jeedo ahi ku jirin“Anaga sharci qaran oo wax lagu wanaajinayo dib u dhigiisu nama qabato, anagu waxaanu is nidhaahnaa wax wanaajiya walina waxaanu qabnaa inaanu wax wanaajinayno golihii kalana ayaanu ka sugaynaaye aanu aragno, haddii aynu doorasho galayno diwaan gelintu xaq weeyen ee aynu is diwaan gelino.”
 
 
 
Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro, ayaa shalay sheegay in dib ugu soo celiyeen Xeerka Diwaangalinta Guurtida, islamarkaana ay filayaan in xeerka lagu dhameeyo wada hadalka labada gole.
 
 
Berbera news/Hargeysa