Xukuumadda Oo Ka Digtay In La Siyaasadeeyo Safar Uu Boqor Burhaan Ku Imanayo Degmada Badhan

Hargeysa (Berbera news) Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Axmed Xaaji Cali (Caddami) ayaa ka digay in la Siyaasadeeyo safar lagu waddo in Boqorka Daarood Boqor Burhaan Boqor Muuse ku imanayo Degaanka Badhan ee Bariga Somaliland.
 
 
 
 
 
Waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Waxaa kaliya oo reeban oo aanu ka digaynaa in waji siyaasadeed loo yeelo oo aanay halkaas ka dhici Karin wax siyaasad ah oo lagu dhibaataynayo dawladda Somaliland.Qofku mar hadduu afeefto waa wax fiican, waxaanu ku digaynaa in laga taxadaro oo ay noqoto mid reeban in dhaqdhaqaaq siyaasadeed halkaas laga sameeyo oo fursadaa Boqorku ku imanayo si kale looga faa’iidaysto” ayuu yidhi Wasiir Caddami oo Xalay warbaahinta la hadlay.
 
 
 
Wasiirku waxa kale oo uu sheegay in Boqorka ay Aqoonsan yihiin islamarkaana Caleema saarkiisa oo degaanka Qardho ka dhacay ay ka qayb galeen Wafti Salaadiin ah oo ka socday Somaliland ah oo tix galinayay islamarkaana lagu sharfay, balse aanay Somaliland marna aqbalayn in halkaasi arimo Siyaasadeed lagu lamaaneeyo Safarka Boqorka.
 
 
 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa