Xukuumadda Somalia Oo La Sheegay Inay Wadda-hadal La Furtay Xubno ka Tirsan Al-shabaab

Hargeysa (Berbera news) Xukuumadda Somalia wadahadallo aan rasmi ahayn ayay la billowday xubnaha qun-yar-socodka ah ee kooxda Al-shabaab ka tirsan, kuwaasoo kasoo horjeeda siyaasadaha kooxda. Sidaa waxaa wargeyska The EastAfrican ee kasoo baxa Kenya u sheegay danjiraha Soomaaliya u fadhiya Kenya, danjire Maxamed Cali Nuur Ameerika.
 
 
 
 
 
Danjire Maxamed Cali Ameeriko ayaa sheegay in xukuumaddiisu ay dadaal weyn ugu jirto sidii ay kooxdan wadahadal ula furi lahayd si loo dhameeyo colaadda ay ka wadaan gudaha Soomaaliya.
 
 
 
“Waxaanu wadahadallo aan rasmi ahayn la furmay qun-yar-socodka Al-shabaab ka mid ah oo doonaya inay qayb ka qaataan xalka Soomaaliya oo ay joojiyaan dhibaatada. Dhanka kale, ma doonayno inaan la hadalno kuwa uu qorshahoodu yahay inay dadka uun dilaan,” ayuu yidhi danjire Ameerika. inkastoo uusan sheegin magacyada xubnaha ay wadahadallada kula jirto dowladda.
 
 
 
 
Sidoo kale, danjiruhu wuxuu sheegay in xukuumadda Somalia ay diiradda saarayso sidii ay uga soo saari lahayd Al-shabaab dhallinyarada da’oodu ka yar tahay 23-ka sano, si ay dhaqangelin iyo waxbarasho ugu sameyso sidoo kalena ay barto xirfado ay ku shaqeystaan.
 
 
 
 
Danjiruhu wuxuu sidoo kale sheegay in xukuumaddu ay qorsheynayso inay la hadalo xubnaha qun-yar-socodka ah ee Al-shabaab ka tirsan, kuwa kalena ay ciidan ahaan ku burburiso, taasoo qayb ka noqonaysa sida uu sheegay in dib loo soo celiyo deggenaashihii Soomaaliya 23-sano oo colaado ah kaddib.
 
 
 
 
Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ka mid ahaa saraakiisha Al-shabaab, balse uu khilaaf soo dhexgalay ayaa haatan ku sugan Muqdisho, isagoo u xiran dowladda Soomaaliya, waxaana wadaadkani uu ka mid ahaa xubnaha ku jira liiska argagaxisada Mareykanka tan iyo sannadkii 2001-dii.
 
 
 
Dhawaan ayay ahayd markii Al-shabaab ay hoggaamiye cusub u doorteen Sh. Axmed Cumar Abu-Cubeyda oo ka mid ahaa xubnaha sar-sare ee Al-shabaab, kaddib markii horraantii bishii hore Maraykanku uu ku dilay duqayn hoggaamiyihii hore ee Al-shabaab, Axmed Cabdi Godane.
 
 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa