“Inta Sharcigu I Ogal-yahay Waan Taaganahay, Wax I Diidayaana Ma Jiro” Madaxweyne Ssiilaanyo

Hargeysa (Berbera news) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa Sheegay in Shacigu uu siinayo in mar kale uu u Tartamo Madaxtinimadda Somaliland, waxaanu xusay inuu Kalsooni ka qabo in Shacabku ay dib u doortaan.
 
 
 
Waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Markaan tagay waxaa la faafiyay inaanan Doorashada dambe isku soo taagaynin, wax Allaale wax ka jiraa ma jiro waanan u taagnahay Doorashada, labadayda jeer ee Sharicigu ii Ogolyahay waan dhamaysanayaa, waxayna la mid tahay Dacaayadaasi ta dadka Caafimaadkayga wax ka sheegaa faafiyaan. wax Alle iyo waxaan qabaa ma jiro,dalkayga iyo dadkaygana waan u shaqaynayaa” ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo.
 
 
Madaxweyne Siilaanyo oo maanta ku soo laabtay Dalka, ka dib shir lagaga hadlayay Ganacsiga iyo Maalgashiga oo uu kaga qayb-galay Dalka Ingiriiska waxa uu sharaxay muhiimadda uu shirkaasi u leeahaa Somaliland.
 
 
 
 
Maalmihii u dambeeyay waxa si weeyn looga hadlayay Musharaxnimadda Madaxweynaha ee Doorashadda madaxtinimada ee lagu waddo inay qabsoonto sanadka 2015ka, iyadda oo ay Siyaasiyiin kala duwan ay ka hadleen, isla-markaana ay Warbaahintu baahiyeen Warar sheegay in aanu sharaxnayn.
 
 
 
Halkan ka daawo.
 
 

 
 
 
Berbera news/Hargeysa