Masuuliyiinta Xukuumadda Oo Shaqaddii Ay Bulshadda U Hayeen U Soo Faaruqiyey Soo Dhaweyntii Madaxweynaha

Hargeysa (Berbera news) Waxa Wakhti kasta oo Madaxweyne Siilaanyo u dalka safar ugu baxayo ama kaga soo laabanayo dhacda Masuuliyiinta kala duwan ee Xukuumadda ka tirsan inay soo faaruqiyaan Xafiisyaddii ay ugu shaqayn-lahaayeen Bulshadda, iyadda oo lagu arko safar dhaa-dheer oo ay u galaan soo dhaweynta Madaxweynaha ama xiliga uu dalka ku soo laabanayo.
 
 
 
 
 
Madaxweyne Siilaanyo oo maanta Dalka markii uu ku soo laabtay ayaa waxa lagu arkay Madaarka Cigaal ee Magaaladda Hargeysa Wasiiro, Agaasimayaal iyo Xubno kale oo Dawladda uga masuul ah Goboladda dalka, kuwaas oo shaqaddii ay Bulshadda u hayeen u soo daayaca soo dhaweynta Madaxweynaha inay sawir ku galaan salaan ay siiyaan Madaxweyne Siilaanyo.
 
 
 
 
 
Xisbiga taladda haya ee KULMIYE ayaa xiligii uu Mucaaridka ah waxa uu Xukuumaddii Daahir Rayaale Kaahin ku eedayn-jireen inay daacaayn Shaqadda ay Shacbiga u hayaan oo safaf u galaan soo dhaweyntii Rayaale ama ololihii Xukuumaddii UDUB ay samayn-jirtay.
 
 
 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa