NIN XASAASIYAD KU KACDO MARKUU U DHAWAADO QALABKA TIKNOOLAJIGA

Nin u dhashay dalka Spain, ayaa ku sugan xaalad dhif iyo nadir ku ah shucuubta caalamka, waayo waxa uu xasaasiyad ka qaada dhammaan noocyada qalabka tiknoolajiyada ah, gaar ahaan waxyaabaha elaktarooniga ka samaysan.
Ninkan oo la yidhaa Peter Llyond oo 42 jir ah waxa la soo daristay xaalad dhakhaatiirtu ugu yeedheen (Electromagnetic hypersensitivity) oo macnaheedu yahay in aanu dibada uga bixi Karin qolkiisa, una dhawaan karin xataa meel internet u dhaw yahay.
xasaasiyada
42 jirkan awood uma laha inuu isticmaalo qalabyada elektarooniga sida Tv-ga, telefoonnada, cajalada CD, waxaanay ku keenayaan hadduu taabto xaalad halis ah oo caafimaad darro, isagoo ay soo asiibayso inuu xasaasiyad gebi haan jidhkiisa ku kacdo.
Dadka booqashada ugu tega ninkan waa in ay moobilladooda, saacadahooda iyo qalabka kale ee elaktarooniga ah kaga tagaan dibadda, xataa waxa laga ilaaliyaa waxyaabaha lagu kululaysto amma wax lagu karsado.
Ninkan oo hadda aan lugayn karin waxa laga ilaaliyaa in dhammaan qalabka elaktarooniga oo dhan uu isticmaalo, sababta oo ah haddii uu xataa guriga ka baxo waxa laga cabsada ainuu ka kulmo qof sita moobayl amma gaadhi ag maro amma meel internet yaal.
Si uu waqtiga isu dhaafiyo sannadkii wuxuu dhammaystiraa ugu yaraan 100 buug oo uu akhriyo, xataa marka uu gurigu ku madoobaado wuxuu u shitaa shamac.
“Waxa aan dareema xannuun badan haddii aan eego muraayda kombuyuutaarka, xataa maskaxdaydu ma shaqayso, hadalka igu adkaata, xataa moobaylka iyo qalabada network ku xidhan yahay sida internetka aad ba ii saameeyaan,” ayuu yidhi Mr. Lloyd oo xaaladdiisa ka warramay