Warbixin Taxane Ah Oo Ka Hadlaysa Xubnaha Ka Soo Jeeda Gobolka Saaxil Ee Shaqadda Qaran U Soo Daayaca U Kacaamaynta Madaxtooyadda.

Hargeysa (Berbera news) Waxaan Todobaadkan guddihiis si taxane idin ku soo Gudbinaynaa Xubnaha Masuuliyaddaha kala duwan ka haya Xukuumadda Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ee Shaqadda ay Bulshadda u hayaan uga soo safra Magaaladda Berbera ee Xarunta Gobolka Saaxil, isla-markaana soo daayaca Shaqadda ay Shacabka Masuuliyaddoodda igman yihiin.
 
 
 
 
 
Waxa kale oo Warbixintani Diiradda saari-doontaa heerka Kacaanimaddu ay ku dheehan tahay ee ay uga soo safraan Magaaladda Berbera, waxaana sidoo kale jirta Xubno kale oo Xilal ka haya Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo iyagana ay Warbixintani xusi-doonto.
 
 
 
 
 
Bulshadda ka soo jeeda Gobolka Saaxila ayaa arrimahan Warbixinta laga soo qaatay waxa ku tilmaameen inay la mid tahay Nidaamkii kacaankii Xukunkii Maxamed Siyaasad Barre, iyadda oo qaarkood ay Xilal ka soo qabteen Xukuumaddii Daahir Rayaale Kaahin, balse hadda ay awoodd ku leeyihiin deegaanadda Saaxil ee ay ka soo jeedaan.
 
 
 
 
 
 
La Soco Warbixinta oo Xusi-doonta Xubnaha aynu soo sheegnay Todobaadkan guddihiisa.
Berbera news/Hargeysa