Guddoomiyaha Guddida Joogtadda Ee Golaha Wakiiladda Oo Shirci-jebin Ku Eedeeyay Guddoomiyaha Guurtidda

Hargeysa (Berbera news) Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa oo ka tirsan Mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa Guddoomiyaha Golaha Guurtida ku eedeeyey Sharci-jebin caddaan ah inuu ku kacay, isla markaana dhinac maray Sharciga iyo Xeerarka u yaalla ee Baarlamaanku ku wada shaqeeyo, isla markaana uu meel kaga dhacay awooddii Mudanayaasha Guurtida, isagoo Xukuumadda iyo Xildhibaannada ay adeegsato u adeegaya.
 
 
 
 
Xildhibaan Buubaa oo sidoo kale ah Afhayeenka Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa sheegay inay qalad iyo sharci-jebin sameeyeen Xildhibaannada Muxaafidka ah ee ka tirsan Wakiillada oo Dacwad iypo Cabasho ka dhan ah Xeerka diiwaangelinta ee Wakiilladu ansixiyeen u gudbiyey Guurtida oo hadda Xeerkaasi la yaallo.
 
 
 
Xildhibaan Buubaa waxa uu sheegay in Guddoomiyaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan-Gaal) uu isna ku kacay sharci-darro ah Xeer loo gudbiyey oo Guurtidu xaq u leedahay inay wax ka beddel, kaabis iyo inay Golaha Wakiillada ku soo celiyaan markay Mudanayaasha Guurtidu ka doodaan ka dib uu sheegay inuu u hakiyey Dacwadda Xildhibaannada Madaxtooyadu adeegsato.
 
 
 
 
Waxa uu Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa oo ka mid ahaa Xildhibaanno Golaha Wakiillada ka tirsan oo Maanta Shir Jaraa’id ku qabtay Xarunta Baarlamaanka ee magaalada Hargeysa, waxa uu sheeegay in Guddoomiye Saleebaan marin-habaabinayo nidaamka sharci ee Golayaashu ku wada xidhiidhaan, isla markaana uu u adeegayo cid gaar ah oo uu sharciga sidaa awgeed ugu tumanayo, taasina ay tahay waxaan la aqbali karin iyo sidii dub-u-dhac Doorashada ku yimaadda iyo Muddo-kordhin ay Xukuumaddu u heli lahayd.
 
 
 
Halkan ka daawo.
 
 

Berbera news/Hargeysa