Hay’adda Caafimaadka adduunka WHO oo tijaabinaysa dawada Ebola

Hay’adda Caafimaadka Aduunka ee WHO ayaa sheegaysa in lagu daaweyn karo bukaanada uu ku dhacay cudurka Ebola, qeyb ka mid ah dhiiga bukaanadii ka badbaaday cudurka.
Hay’addu, waxay sheegtay in todobaadyadda soo socda la gaar siin doono waddamada Galbeedka Afrika, daawooyin laga soo saaray dhiiga dadka ka badbaaday cudurka.
Sarkaal sare oo ka tirsan WHO oo la yiraahdo Marie Paule Kieny ayaa sheegtay in sheybaaro laga sameyn doono dalka Liberia.
ebola
Liberia waa wadanka dadka ugu badan uu ku laayey cudurkaasi.
Sheybaaradaas ayaa waxa loo adeegsan doonaa in lagu soo saaro dhifaacaha jirka ee ka dhashay dhiiga qofka ka badbaaday cudurka Ebola.
Difaacasaasi jirka ayaa waxa kaddib loo rogayaa daawo lagu daaweeyo dadka uu cudurka ku dhacay.
WHO ayaa sidoo kale sheegaysa in si dhaqsa ay u doonayso in ay ku hormariso laba talaal oo la rumaysanyahay in ay gacan ka geysan karaan in laga hortago cudurka.
Haddii loo arko in talaalku yahay mid ammaan ah oo wax tar leh, waxa markaasi la qorsheynayaa in si tijaaba ah
ah loogu isticmaalo Galbeedka Afrika bisha January ee sanadka soo socda.
Balse weli ma cada mudada ay qaadan doonto in la soo saaro talaal dabooli kara baahida jirta.
In kabadan 4,500 oo qof ayaa ilaa imika galbeedka Afrika ugu dhintay cudurka Ebola.