“Ma Filayo In 26-Ka June 2015-Ka In Doorasho Dhacayso….” Faysal Cali Waraabe 

Hargeysa  (Berbera news)  Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe ayaa ka hadlay Doorashadda lagu waddo inay Somaliland ka qabsoonto sanadka 2015-ka.
 
 
 
 
Guddoomiye Faysal oo Idaacadda VOA kula hadlay Magaalada Nairobi oo ay Gudoomiyeyaasha Xisbiyada Somaliland iyo Madax ka tirsan qaadhaan bixiyeyaasha Somaliland doorashada ka taageera kulamo uga socdaan, waxa uu sheegay in waxyaabo badan oo diyaar garawga doorashada ah la dhameeyay balse wali aanu ku rajo weynayn in doorashadu wakhtigeedii ku dhacdo
 
 
 
 
Guddoomiyaha Xisbiga UCID   Oo kulamada Madaxda Xisbiyadu la leeyihiin Qaadhaan bixiyeyaasha ka hadlaya waxa uu yidhi “Horta Shirkani wuu ka duwan yahay Shirarkii hore oo waa markii u horaysay ee Saddexda Xisbi Isa soo raacaan iyagoo ka hadlaya Arintan Doorashada.Nasiib darada na haysataana waxa weeye Doorasho walba sanadka u dambeeya ayaanu Ambabaraa iyadoon waxba la diyaar garayn”
 
 
 
 
Faysal Cali Waraabe waxa uu intaasi raaciyay “Xilka Doorashadu waxa uu saaran yahay hadba Dawladda Markaas joogta, markaa waxa weeye in Marka dawladda jirtaa Xilka qabataba qorshaha ku darsato wakhtiga ay qabanayso Doorashada laakiin,kuma darsadaan tan iyo tii horeba Cago jiid bay ku keenaan.arintaasi waxay keentaa in Beesha Caalamka oo nala wadaagta doorashada, waxyaabaha nalagu tixgaliyayna ay ka mid tahay Caddaadis na saaraan, arintaasibaana socotay mudo sanad iyo badh ah”
 
 
 
Faysal Cali Waraabe waxa uu sidoo kale sharaxay Arimo ka mid ah tabaabushaha loogu jiro in doorashadu dhacdo “Hawsha way nala wadaan wadamada Qaadhaanka bixiya oo Boqolkiiba shan iyo todobaatan (75%) Bixiya kharashka diwaangalinta ama Doorashada,markaa dhawr turun-turo ayaa ka hor yimid oo dadka eedeeda lehna dhawr jeer aanu farta ku fiiqnay.markaa way noo soo Ururtay Agabkii u diyaarka ahaa in doorasho dhacdo oo Komishanku ka mid yahay oo Xeerkii Diwaangalintu ka mid yahay intuba hadda wey hagaagsan yihiin oo waa la dhamaystiray. Komishankii waxaanu rajaynaynaa in Sabtida soo socota Baarlamaanku Ansixiyo, xeerkii isbedel yar lagu sameeyayna bisha November aakhirkeeda dhamaado”
 
 
 
Eng Faysal Cali Waraabe oo la waydiiyay sida loo soo magacaabay Komishanka Doorashadu waxa uu ku jawaabay “Anigu waxaan Shakhsiyan qabaa Xubnaha Komishanka maaha yaa soo magacaabay ee waa qofka shakhsiyaddiisa,Qofka bini-aadanimadiisa, Aaminaadiisa, Muslinimadiisa ayay ku xidhan tahay iyo Camalkiisa ee hebel baa soo magacaabay macno ma leh.ta qudha ee aanu imika danaynaynaa waxa weeye inay 7 Xubnood ku yar yihiin inay hawshaa qabtaan insha Allah waanu ka badin mustaqbalka”
 
 
 
Faysal Cali Waraabe oo la waydiiyay Rajada uu ka qabo doorasho wakhtigeedii ku dhacda waxa uu ku jawaabay “Wallaahi Marka aan runta kuu sheego Doorashada waxaanu caadaysanay wax la yidhaahdo Kordhis oo aan meelna Sharci ku ahayn.Dastuurku Gole kasta wuxuu u sameeyey wakhti 5 sano ah.Aduunka ma dhacdo dad iska Yuurura oo aan la soo dooran, laakiin, taas baanu u badanay,markaa cagajiid bay ku tahay dadka hadda kuraasta ku fadhiya ama xukumadda ha ahaato ama Baarlamaanka ha ahaatee.markaa ma filayo in 26-ka June 2015-ka in doorasho dhacayso laakiin Insha Allah waxaan jecelahay in doorasho dalka ka dhacdo 2015-ka”
 
 
 
 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa