Xeerka Diwaan-gelinta Ee Ay Guurtiddu Hakisay Oo Khilaaf Ka Dhex-abuuray Xildhibaanadda Mucaaridka Iyo Muxaafidka

Hargeysa  (Berbera news) Iyadda oo dhawaan Golaha Guurtidda Somaliland ay hakiyeen ansixinta Xeerka Diwaan-gelinta Madaniga oo hore uu muran uga dhashay , kaas oo Xukuumadda Somaliland iyo Xisbiyadda Mucaaridku ay heshiis is af-garad ka gaadheen, isla-markaana ay cod ku meel-mariyeen Golaha Wakiiladdu.
 
 
 
Mudanayaasha Mucaaridka ah ee Golaha Wakiiladda ayaa Sheegay in Xeerkani uu u baxay sifo Sharciyadda Waafaqasan, waxaanay Xukuumadda ku edeeyeen inay waddo Qorshe ay dib ugu dhigayso Doorashooyinka.
 
 
 
Xeerkan ayaa hore Muran uu ugu dhex-maray Xukuumadda Somaliland iyo Xisbiyadda Mucaaridka ah, waxaanay arrintani noqonaysaa khilaafkii labaad ee ka dhasha Xeerkani.
 
 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa