Xildhibaano Madaxtooyadda Laga Soo Abaabulay Oo Ku Hanjabay Mooshin Ka Dhan Ah Guddoomiye Cirro

Hargeysa (Berbera news) Xildhibano la sheegay in laga soo abaabulay Madaxtooyadda si ay Golaha u keenaan Mooshin ka dhan ah Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa sheegay inay soo dhigayaan Mooshin ay ku doonayaan inay xilka kaga xayuubiyaan Guddoomiye Cirro.
 
 
 
 
 
Waxaana hadaladoodii ka mid ahaa “Markaanu Ogaanay in Xeerka Guurtida loo gudbiyay ahayn kii Golaha laga gudbiyay ee loo codeeyay waxaanu qaadnay fajac iyo jaahwareer waayo waxaanu garan waynay waxa kalifay in khiyaamadani dhacdo” ayuu yidhi XIldhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalin Oo Xukumadda taabacsan.
 
 
 
 
 
 
Sidoo kalena Xidhibaan Ibraahin Ruush, ayaa ku hanjabay in Gudoomiyaha Xilka laga qaadayo haddaan arintan xal laga gaadhin “Khiyaamadan qaran ee dhacday oo laga wada hadlo mooyaane Golaha haddii la furo waxa ugu horeeyay ee Imanayaa waa xil ka xayuubin, waa Imbiijmankaaga, waayo? Wixii xilka lagaaga xayuubin lahaa ayaad ku kacday, adigoo iska maydha oo banaanka soo dhiga mooyaane haddaad isku daydo inaad gole hogaamiso ku tala gal in Xilka lagaa qaadayo” ayuu yidhi Xildhibaan Ruush oo gudoomiyaha Guurtida farriintan u dirayay.
 
 
 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa