Madaxweyne Siilaanyo Oo Wasiiraddiisa Ku Amray Inay Taageero Xukuumadda Uga Raadiyaan Beelaha Ay Ka Soo Jeedaan

Hargeysa (Berbera news) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed kulan uu maanta Xarunta Madaxtooyadda kulan kula yeeshay Golihiisa Wasiiradda waxa uu u soo jeediyay inay Beelaha ay ka soo jeedaan Taageero uga raadiyaan Xukuumaddiisa, iyadda oo Xisbiyada Mucaaridku ay kaga awood-bateen kasbashadda taageeradda Beelaha Somaliland qaarkood.
 
 
 
 
 
 
Ilo-xogogaal ah ayaa sheegay in kulankaasi uu Madaxweynuhu la yeeshay Wasiiraddiisa lagu soo ban-dhigay Qorala Xukuumadda uga yimid Wadamadda daneeyaha arrimaha Doorashooyinka Somaliland, iyadda oo Nuxurka Qoraalkaasi lagu sheegay in Beesha Caalamku dalbanayso in Doorashadda lagu qabto Xiligeeda.
 
 
 
 
 
Xogaha ayaa intaas ku daray in Madaxweyne Siilaanyo oo Wasiiraddiisa u soo jeediyay inay keenaan Kalsoonidda Beelaha ay ka soo jeedaan si Xukuumaddiisu mar kale ugu guulaysto Hoggaaminta Somaliland.
 
 
 
 
 
 
Maadaxweyne Siilaanyo ayaa Salaasaddii Todobaadkan mar uu dalka ku soo laabtay waxa uu si cad u sheegay in aanu jirin go’aan uu kaga tanaasulay inuu mar kale hoggaamiyo Somaliland, isaga oo xusay inuu kalsooni ka qabo in Shacabku ay codkoodda siiyaan.
 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa