Midawga Yurub Oo Tababar Iyo Qalab Doonyo ku Jiraan Isugu Daray Saraakiil ka Tirsan Ilaalada Xeebaha Somaliland Ilaalada Xeebaha

Hargeysa (Berbera news) Midawga Yurub, ayaa tababar u xidhay saraakiil ka tirsan ciidanka Ilaalada xeebaha ee Jamhuuriyadda Somaliland, kuwaasoo tiradoodu dhan tahay 30 xubnood oo saraakiil da’yar ah.
 
 
 
 
Warsaxaafadeed ka soo baxay Hawlgalka Midawga Yurub ee tayo-dhisida awoodaha ilaalada xeebaha ee dalalka Geeska Afrika iyo galbeedka badweynta Hindiya (EUCAP Nestor), ayaa lagu sheegay in maalintii Salaasada ee taariikhdu ahayd 21 October 2014 tababar loo xidhay saraakiil dhallinyaro ah oo ka tirsan ciidanka Ilaaladaha xeebaha ee Somaliland, tababarkaasoo socday muddo laba bilood ah.
 
 
 
“Xaflad lagu qabtay magaalada Berbera, ayaa tababar loogu xidhay 30 saraakiil da’yar ah oo ka tirsan ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland, kuwaasoo ka kala socday magaalooyinka Hargeysa, Berbera, Saylac, Maydh iyo Laas-qoray, waxaanna xafladaas ka qaybgalay masuuliyiin ka socday Somaliland, wakiillo ka tirsan Midawga Yurub, madaxa hawlgalka EUCAP ee Soomaaliya Mr. Pierre-Aimé Riccio, iyadoo sidoo kale halkaas lagu guddoonsiiyey ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland qalab kala duwan oo ay ka mid yihiin doonyo yaryar oo tayadoodu sarayso iyo qalabka lagula socdo hawlaha ammaanka baddaha,” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka ka soo baxay Midawga Yurub oo wargeyska Jamhuuriya helay nuqul ka mid ah.
 
 
 
 
 
Waxa kaloo warsaxaafadeedkaas lagu sheegay in ciidanka Ilaalada Xeebaha ee Somaliland muddada tababarku socday la baray aqoonta aasaaska ah ee shaqooyinka iyo hawlgalada ilaalada xeebaha, kaasoo loogu daray habka ugu fiican, uguna ammaansan ee hawshaas loo qaban karo, kuwaasoo loogu tallogalay in sare loogu qaado awooda iyo kartida ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland u yeelan karaan ka hortaga iyo la-dagaalanka dambiyada ka dhaca baddaha iyo degaannada xeebaha ah, isla markaana awood la-shaqayneed ugu yeelan lahaayeen inay iskaashi la sameeyaan hawlgalada caalamiga ah ee la-dagaalanka dambiyada ka dhaca biyaha badda.
 
 
 
 
Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland Admiral Axmed Aw Cusmaan Cabdi oo ka hadal ka jeediyey xafladaas, ayaa sheegay in xeebta Somaliland dhererkeedu dhan yahay 856km, isagoo Hawlgalka EU-da uga mahadceliyey taageerada ay siiyaan, waxaannu yidhi; “Maadaama aannu nahay dal leh bad, waxa na saaran waajibaad caalami ah oo ay tahay in aannu fulino, aad baanan ugu faraxsanahay in taageerada aannu ka helno hawlgalka Midawga Yurub ee EUCAP Nestor, waana in la sii wado taageerada dhinaca dhismaha awooda ee la na siiyo si la nooga caawio in aannu la-dagaalami karno falal kasta oo la xidhiidha dambiyada ka dhaca biyaha badda, kana ilaalino in dambiydaasi ka dhacaan xeebaha aannu maamulno.”
 
 
 
 
Waxa kaloo sida warsaxaafadeedka lagu sheegay halkaas ka hadlay Mr. Marco Hekkens oo u dhashay dalka Holland, ahna la-taliyaha mashruucada hawlaha badda ee EUCAP Nestor u qaabilsan Somaliland, waxaannu yidhi; “Waxa si cad u muuqata in horumarinta dheeraadka ah iyo mustaqbalka ciidanka Ilaaladada xeebaha Somaliland uu ku xidhan yahay saraakiisha da’yarta ah, kuwaasoo si fiican loo tababaray, lana baray aqoon fiican iyo doorkooda ay hawlahaas ku leeyihiin.”
 
 
 
 
 
Waxa uu si gaar ah ugu mahadnaqay Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Cali Maxamed Warancadde oo uu xusay inuu furay markii la bilaabay tababarka la soo gunaanaday 21 October, kaasoo uu xusay inuu saraakiisha tababarka qaatay ku dhiirigeliyey inay waqtigooda ka faa’iidaystaan si ay khibrad iyo aqoon uga helaan muddada tababarku u socdo.
 
 
 
 
 
 
Sarkaal lagu magacaabo Maxamed Cismaan Axmed oo ah Agaasimaha Fulinta ee xafiiska Isku-duwida la-dagaalanka budhcad-badeeda, ayaa xaflada loo qabtay ciidanka tababarka loo xidhay ka sheegay in ilaa dhammaadka sannadka 2016 ay bixin doonaan tababaro lagu soo saarayo saraakiil ka tirsan ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland oo awood u leh la-dagaalanka nooc kasta oo ah dambiyada ka dhaca biyaha baddaha.
 
 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa