“Shuruucda Aanu Maayar Ku Haynay Tanaasul Ma Geli-karaan” Xildhibaan Dogox

Hargeysa (Berbera news) Xildhibaan Saleebaan Daahir Cabdilaahi (Dogox) oo ka tirsan Golaha Degaanka Hargeysa, kana mid ah Xildhibaano si adag uga soo horjeestay Maayarka Caasimada ayaa sheegay inaanu Ogayn heshiis rasmi ah oo laga gaadhay Khilaafka Golaha degaanka balse uu jiro heshiis dhex maray Xildhibaanada isaga la safnaa iyo Garabka Maayarku hogaaminayay.
 
 
 
 
Xildhibaan Dogox Oo Hargeysa kula hadlay maanta Warbaahinta ayaa ugu horayn ka hadlay Fadhi maanta u mudaysnaa oo lagu sixi lahaa Muranka Golaha hadheeyay sababta loo baajiyay “Aniga Kalfadhigaa xalay baa la ii soo sheegay inuu baaqday, shalay baana meel la fadhiistay oo Xildhibaanadu fadhiisteen balse anigu aanan goob joog ka ahayn,halkaasaana lagu soo go’aamiyay in shirkaasi la bedelo, taasaana keentay oo go’aan la isla qaatay buu ahaa” ayuu yidhi Xildhibaan Dogox.
 
 
 
Xildhibaanka oo la waydiiyay in Kulanka Xildhibaanada isaga la safnaa iyo Maayarka dhex maray lagaga heshiiyay Murankii Golaha waxa uu ku jawaabay
 
 
 
“Khilaafaadka waa qaar laga heshiin karayo, qaarna heshiis magalaan.Khilaafka dad u dhexeeya qofku waa inuu mar walba diyaar u ahaado in la isku laab xaadhnaado oo laga wada hadlo oo laga heshiiyo oo aanay noqon Shakhsi weerar marka Sharci la isweydiiyo,markaa waa laga heshiin karayaa waxaana igu maqaale ah in Shalay la heshiiyay inkasta oo aanan anigu meesha joogin oo aan fadhigaa ka maqnaa.
Laakiin, waxaan laga heshiin Karin oo aan tanaasul la galin Karin, wada xaajoodna aan gali Karin wixii Sharciga ku qoran.Shuruucda aanu Maayarka ku haynay Tanaasul ma gali karaan,Xildhibaanana kama heshiin karaan,aniguna kama heshiin karo,Baarlamanka uun baa ka heshiin karaya oo kawada hadli karaya,markaa in Sharciga sidiisa loogu dhaqmo lagama heshiin una malayn maayo in laga heshiin karayo.Sharciguna haddii uu jabnaa, halka lagu qabto ayaa lagu saxayaa,markaa xeerarkaas la arkay in la jabiyay waa in imika la saxo ayaan anigu taaganahay” ayuu yidhi Xildhibaan Saleebaan Dogox.
 
 
 
 
 
 
Berbera
 
Xildhibaan Saleebaan Dogox waxa uu intaasi sii raaciyay “Runtii dadku wey Is qabtaan waanay heshiiyaan laakiin, Sharciga lagama heshiin karo, haddii uu Sharci sheegayo In Guddi hoosaadyada wakhtigoodii Mudo dhaafay, halkii lagu qabto waa in lagu saxo, tusaale ahaan imika haddii la yidhaahdo Tuug baa 10 sano wax soo xadayay oo marka la qabto la yidhaahdo sii daaya laba bilood oo dambe ha sii xadee oo la yidhaa laba bilood ka dib baynu qaban doonaa tuuga dee wax meesha qabta maaha, halkii lagu qabto ayuun baa tuuga lagu qabtaa Sharciga lagu gaynayaa.
Markaa Imika Khaladkii Sharciga ee dhacay ama Goluhu ha lahaado ama maayarku ha lahaadee ayaanu qabanay markaa Shuruuc baa jaban oo ah in isku bedelkii Guddiyadu mudo dhaaftay, in la sameeyo Guddidii Qandaraaska,in la sameeyo Maamul daadajin”
 
 
 
 
 
 
Xildhibaan Dogox waxa uu ka digay in Xaq daro iyo iyadoo aan la akhriyin Qodobada la isku hayo aan Garabyada Golaha la kala taageero, isagoo diciifnimo ku tilmaamay Dad taageero u muujiyay Maayarka hargeysa. Waxa uu sheegay inay ayaan daro tahay in la isku liso Xaafaddaha Hargeysa, waxaanu sheegay in Hargeysa tahay Xaafad kaliya balse aanay Xaafado kala ahayn.
 
 
 
Berbera news/Hargeysa