Xisbiga WADDANI Oo Dr Fadal Dib Ugu Magacaabay Xoghayaha Arimaha dibada

Hargeysa(Berbera news) Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, ayaa dib ugu magacaabay Dr Maxamed Cismaan Fadal, jagada Xoghayaha Arimaha dibada ee Xisbiga Waddani,dibna ugu daray golaha dhexe iyo guddida fulinta ka dib markii Madaxweyne Siilaanyo dib uga soo celiyay ka mid noqoshada Guddida doorashada ee Cusub.
 
 
 
 
Digreetada lagu magacaabay ayaa u dhignayd sidan”
 
 
Xisbiga WADDANI
Go’aan Hogaan
 
Shir ay xarunta Xisbiga WADDANI ay ku yeesheen hogaanka Xisbiga maanta oo ay taariikhdu tahay 18-ka October 2014-ka,waxay dib u eegis iyo qiimayn ay ku sameeyeen,asbaabaha uu Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland u cuskaday diidmada in uu xubin ka noqdo Komishanka Doorashooyinka Dr:Maxamed Cismaan Fadal .
 
 
Hogaanku waxaa uu ku qancay in Dr:Fadal
 
-in uu Dr:Fadal buuxiyey dhamaanba shuruudihii laga rabay
 
-in uu yahay aqoonyahan dalka gudihiisa iyo dibadiisaba si wayn looga yaqaano.
 
-in uu xilal kala duwan oo mid dawli ah iyo mid aan dawli ahaynba uu ka soo qabtay Somaliland
 
-In uu yahay muwaadin karti badan,aqoon badan,wax wayna ku tari lahaa gudida Doorashooyinka Qaranka
 
-in sifo sharciga ka baxsan uu madaxweynahu ugu diiday in uu qabto xilkaas.
 
Waxaa hogaanka xisbigu uu ka codsaday Dr:Fadal in uu ka noqdo iscasilaadii,lana soo noqdo xubinimadii Xisbiga,taasna waa uu aqbalay.
 
Sidaas daraadeed waxaa hogaanku isku waafaqay in loo soo celiyo xubinimadii golaha dhexe iyo gudida fulinta .
 
 
 
Waxaa kale oo loo magacaabay Dr:Maxamed Cismaan Fadal in uu buuxiyo Jagada xoghayaha arrimaha dibada ee Xisbiga WADDANI laga bilaabo taariikhda maanta 18/10/2014-ka.
 
 
 
 
Alla-Mahadleh
Md:Maxamed Cabdilaahi Uur-cadde
Xoghayaha Guud ee Xisbiga WADDANI