Xisbiga WADDANI Oo Xukuumadda Iyo Guddoomiyaha Guurtidda Ku Eedeeyay Inay Wadaan Muddo Kordhin Dib Loogu Dhigayo Doorashada

Hargeysa (Berbera news) Masuuliyiintan ka tirsan Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI ayaa Guddoomiyaha Golaha Guurtidda Saleebaan Maxamuud Aadan ku edeeyay inuu waddo Qorshe nuxurkiisu yahay sidii uu muddo kordhin ugu samayn lahaa Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, waxaanay sheegeen inay ka digayaan in la keeno Caraqalado dib loogu dhigo Doorashooyinka.
 
 
 
 
Xoghayaha guu ee Xisbiga WADDANI Maxamed Cabdilaah Uurcade oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Hargeysa ayaa sheegay in Guddoomiyaha Guurtiddu uu wado Qorshe uu muddo kordhin igu samaynayo Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo.
 
 
 
Wasiirkii hore ee hawlaha guud ee Xukuumaddii Daahir Rayaale Siciid Sulub Maxamed iyo Masuuliyiin kale oo ka tirsan Xisiga WADDANI ayaa sheegay in Xisbi ahaan ay ka digayaan muddo kordhin Golaha Guurtiddu u samayso Xukuumadda.
 
 
 
 
Xisbiyadda Mucaaridka Somaliland ayaa marar kala duwan sheegay in aanay Aqbali-doonin muddo kordhin loo sameeyo Xukuumadda, iyaga oo ku sababeeyay in dib loogu dhigayo Doorashooyinka.
 
 
 
Halkan ka daawo.
 

 
 
Berbera news/Hargeysa