“Cabdiraxmaan (Guddoomiyaha Wakiiladda) Kuwa Eedayna Waa Inay Wax Cad Keenaan, Isna Waa Inuu Joojiyaa Xaskan Uu Isku Marayo” Jaamac Shabeel

Hargeysa (Berbera news) Guddoomiyaha Golaha dhexe ee Xisbiga taladda haya ee KULMIYE Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac-shabeel) ayaa sheegay in aanu Madaxweyne ku xigeenka Somaliland ka qayb ka ahayn Khilaafka ka taagan Golaha Wakiiladda, kaas oo Shalay Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Cabdiraxmaan Cirro uu Madaxweyne ku xigeenka ku eedeeyay in Gurigiisa laga soo abaabulay Khilaafka u dhexeeya Mudanayaasha Golaha Wakiiladda.
 
 
 
 
 
 
Guddoomiyaha Golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE Jaamac Shabeel oo maanta Warbaahinta kula hadlay Magaalada Hargeysa, waxa hadaladiisii ka mid ahaa “Cabdiraxmaan (Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda) waa la eedaynayaa kuwa eedaynayaana waa inay wax cad keenaan isna waa inuu joojiyaa xaskan uu isku mar marayo iyo meelahan kale ee uu kula gal galanayo wax aan waxba ka jirin iyo eedaynta beenta ah, madaxweyne ku xigeenka gurigiisa haddii ay fadhiisteen gurigiisa yaa u diidaya madaxweyne ku xigeenku waa nin Kulmiye ah raga fadhiistayna waa rag kulmiye ah, habeen iyo maalina way wada fadhiyayaan waanay fadhi doonaan.” Ayuu yidhi Jaamac Shabeel
 
 
 
 
 
Xisbiyadda Mucaaridka ayaa hore ugu eedeeyay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland inuu ka dambeeyo Khilaafaad kala duwan oo soo maray GolahaWakiiladda Somaliland, iyadda oo shalayna uu Guddoomiye Cirro sheegay in Madaxweyne ku xigeenka iyo Xubno Wasiiro ah oo aanu magacyadoodda xusin ay qayb ka yihiin khilafkan.
 
 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa